Monday, July 14, 2025

IGAD oo Kormeeraysa Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jabuuti

Abukar Osman

Jabuuti (Dawan ) – Wafdi ka socda Urur-Goboleedka IGAD ayaa sheegay inay socdaal shaqo ku joogaan dalka Jabuuti si ay u qiimeeyaan horumarka laga sameeyay dhaqaalaha buluugga ah (Blue Economy), isla markaana ay u ururiyaan casharro wax ku ool ah oo ay ka faa’iideysan karaan dalalka kale ee gobolka.

Socdaalkan oo dhacaya intii u dhaxeysay 13–17 Luulyo 2025, ayaa qayb ka ah dadaallada IGAD ee lagu dhaqan-gelinayo Istaraatiijiyadda Dhaqaalaha Buluugga ah ee IGAD 2021–2025, iyada oo diiradda la saarayo horumarka waara, kobcinta ganacsiga gobolka, iyo ka hortagga saameynta isbedelka cimilada.

Wafdiga IGAD ayaa booqanaya goobaha muhiimka ah ee dhaqaalaha buluugga ah ee dalka Jabuuti, oo ay ka mid yihiin:

  • Dekedda xoolaha ee Demerjog
  • Dekedda dhuxusha ee Tadjourah
  • Dekedda kalluumeysiga ee Obock
  • Dekedaha ganacsi ee magaalada Jabuuti
  • Warshadda kalluunka ee Park Fish (Loyada)
  • Harada cusbada ee Assal
  • Aagga dalxiiska badda ee Arta
  • Xarunta fiilooyinka badda hoosteeda mara ee Djibouti Telecom

War rasmi ah oo ka soo baxay IGAD ayaa lagu yiri:

“Ujeedada socdaalkani waa in la ururiyo casharro dhab ah oo laga baran karo horumarka Jabuuti si loogu adeegsado dejinta siyaasad, dhiirrigelinta maalgashi waara, iyo xoojinta iskaashiga gobolka ee barnaamijka dhaqaalaha buluugga ah.”

IGAD waxay sidoo kale sheegtay in afartii sano ee la soo dhaafay, iyaga oo kaashanaya hay’adda horumarinta Sweden ee SIDA, ay taageero siiyeen dalalka xubnaha ka ah IGAD si ay u sameystaan istaraatiijiyado qaran oo ku saabsan dhaqaalaha buluugga ah, ay u abuuraan goleyaal isku-duwid ah, islamarkaana la xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda.

Barnaamijka BE-Prosper, oo uu hormuud u yahay IGAD, islamarkaana ay taageerto SIDA, ayaa la doonayaa in lagu horumariyo iskaashiga gobolka ee ku aaddan ka faa’iideysiga kheyraadka badda sida kalluumeysiga, dekedaha, tamarta badda, iyo dalxiiska xeebaha.

IGAD waxay sheegtay in xogta ay ka helaan Jabuuti laga faa’iideysan doono dejinta siyaasado cusub, kor u qaadista maalgashiga, iyo qorsheynta barnaamijyo horumarineed oo mustaqbalka lagu furo, iyadoo xoogga la saarayo marinka ganacsi ee la qorsheynayo ee u dhexeeya Jabuuti, Soomaaliya, iyo Itoobiya. Tani waxay la jaanqaadaysaa Ajandaha Dhaqaalaha Buluugga ah ee Midowga Afrika iyo Istaraatiijiyadda Isku Xirka Gobolka ee Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here