Saturday, July 27, 2024

Wakiilada Somaliland oo meel mariyay go’aankii guddigga dhex-dhexaadinta

Hargeysa (Dawan)- Golaha Wakiilada Soomaaliland ayaa maanta ku ansixiyay cod aqlabiyad leh wareegtadii uu Muuse Biixi Cabdi  usoo gudbiyay ee uu ku aqbalay go’aanadii gudida dhex-dhexaadintu ka soo saareen Khilaafkii doorashada.

45 mudane oo ka mid ahaa 48 xubnood oo soo xaadiray maanta kulanka  Wakiilada ayaa oggolaaday ansixinta go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka iyo xisbiyada Soomaaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray uga codsaday Golaha Guurtida iyo Wakiillada in ay waafajiyaan soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka Shuruucda iyo Xeerarka Doorashooyinka ee Soomaaliland.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa si wada jir ah usoo dhaweyay go’aanadii ay soo saareen guddiga dhex-dhexaadinta, waxeyna tilmaamen in wada jir loo baahanyahay xilligaan si looga samata baxo dhibaatooyinka wiiqi kara jiritaanka Soomaaliland.

Guddiga dhex-dhexaadinta ayaa soo saaray in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay  xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here