By Sayyid Omar
Sida laga soo xigtay wargeyska The Times, diblomaasi Somaliyeed oo ka howlgalayay Sacuudi Carabiya ayaa lagu eedeeyay inuu tahriibiyay haween ku sugnaa Ireland, taas oo sare u qaaday walaacyada la xiriira horumarka shabakadaha caalamiga ah ee tahriibinta dadka.
Diblomaasigan, oo magaciisa lagu sheegay Cabdiladiif Xuseen Maxamed, 40 jir ah, waxa uu ahaa la taliyaha waxbarashada ee safaaradda Soomaaliya ee Riyadh. Waxa lagu eedeeyay inuu fududeeyay gelitaanka haween badan oo lagu soo tahriibiyay Ireland intii u dhaxaysay September ilaa November 2024. Waxa la xiray bishii November ee la soo dhaafay markuu kas oo degay garoonka diyaaradaha ee Dublin isagoo ka yimid Abu Dhabi, waxaana haatan lagu hayaa xabsiga Cloverhill ee Ireland.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa u xaqiijisay Dawan TV in Cabdiladiif uu ahaa sarkaal ka tirsan safaaradda. Si kastaba ha ahaatee, ilo-wareedyo ayaa sheegaya in diblomaasigan xilkii laga qaaday sanadkii 2023, balse markii dambe dib loogu soo celiyay xilkaas, ka dib cadaadis wasiirka uga yimid beesha uu ka soo jeedo.
Kiiskan ayaa sare u qaaday baaqyada lagu dalbanayo in la adkeeyo xisaabtanka diblomaasiyiinta iyo la dagaallanka tahriibinta dadka, iyada oo la isku dayayo in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo xakameeyo dambiyada noocan ah.