Monday, May 20, 2024

Waa kuma musharraxa Jabuuti ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Jabuuti (Dawan)- Dhawaan dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in wasiirkeeda arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf u tartamayo jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Xilkaan waxaa hore ugu dhawaaqay in ay u taaganyihiin musharrixiinta kala ah  Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam  oo ka socota Soomaaliya iyo Raila Odinga oo ka socda Kenya.

Waa kuma Maxamuud Cali Yuusuf?

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58 jir ah, waxa uu shaqada dowladda bilaabay ka dib markii uu shahaadada jaamacadeed qaatay, kadibana waxa uu u safray dalka Faransiiska si uu sii wato waxbarashadiisa luuqadaha ajnabiga ah.

Sannadkii 1992-kii, waxa uu ka shaqo bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, waxaanu ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin La-taliya Safaaradeed iyo Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ilaa bishii January 1997kii.

Kadib waxaa loo magacaabay Safiirka Jabuuti ee Masar iyo wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta. Intaas ka dib, waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo heer wasiiro ah, gaar ahaan wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo loo magacaabay sannadkii 2001, ka dibna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah May 2005.

Sannadihii 2008, 2011, 2013, 2016 iyo 2019 ayaa dib loogu cusbooneysiiyay jagada Wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo loogu lamaaniyay inuu noqdo afhayeenka xukuumadda.

Khibradiisa diblomaasiyadda mar uu ka hadlayay waxa uu yiri; ” In ka badan 30 sano, waxaan ku lug lahaa diblomaasiyadda dalkayga iyo sidoo kale fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Waxaan si aan leexleexad lahayn u caddayn karaa inaan qiimo weyn u noqon karo Midowga Afrika”

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa kaalin weyn ka qaatay kobaca diblomaasiyadda Jabuuti, waxa uua ku guuleystay inti uu hogaaminayay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti in dalkiisu kaalin mug leh ka ciyaaro arrimaha waaweyn ee gobolka iyo guud ahaan qaaradda Arika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa ballan qaaday inuu ilaalin doono mabaadi’da lagu dhisay ururka Midowga Afrika sidoo kalena uu ka mira dhalin doono horumarinta yoolalka Ajendaha 2063.

Dowladda Jabuuti oo tartanka ka dhigtay seddex geesood, waxa ay aamnisantahay in ay xilka ku guuleysan karto maadaama ay soo sharraxday mid ka mid ah tiirarka xukuumadeeda oo waayo aragnimo buuxda u leh diblomaasiyadda sidoo kalena xog ogaal u ah xaaladda Qaaradda Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf oo muddo dheer soo hoggaaminayay wasaaradda arrimaha dibadda jabuuti waxa uu ka qeyb qaatay xal u raadinta khilaafaad badan oo ka jira qaaradda gaar ahaan geeska Afrika, wuxuuna si buuxda ugu hadlaa luqadaha Faransiiska, Ingiriiska iyo Carabiga oo ay usii dheertay luqadda Af-Soomaaliga.

Muddo xileedka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki, oo markii ugu horreysay la doortay 14-ka Maarso, 2017, kana soo jeeda dalka Chad, oo ku yaal Afrikada Dhexe, ayaa ku eg sanadka soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here