Monday, May 20, 2024

Wadaad masiixi ah oo isku dayay inuu 6 malyan oo dollar ka xado Midowga Afrika

Addis Ababa (Dawan)- Arrin la yaab leh ayay noqotay, kadib markii dowladda Itoobiya ay shaaca ka qaadday magaca nin isku dayay inuu 6 malyan oo dollar ka xado ururka Midowga Afrika.

Dhawaan ayay ahayd markii Midowga Afrika uu sheegay in la fashiliyay isku day lagu doonayay in 6 malyan oo dollar lagala wareego account-ka uu uruku ku leeyahay bangiga ganacsiga ee Itoobiya.

Warbixinta ururka Midowga Afrika ayaa intaas ku dartay in baaritaannada la sameeyay ay muujinayaan in wadaad masiixi ah oo Itoobiyaan ah uu ku lug lahaa dhacdada.

Dhanka kale, Boliiska Itoobiya ayaa sheegay inay xireen, bartamihii bishii APril ee dhamaatay wadaad sare oo ka tirsan kaniisadda Ortodokska (Orthodox ) ee Itoobiya, kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la lahaa isku daygii lagu doonayay in lagu xado lacag uu leeyahay ururka Midowga Afrika.

Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegtay in ay wadaadka lagu magacaabo Belay Mekonnen, oo ah ku xigeenka agaasimaha guud ee kaniisada Itoobiya u gudbiyeen maxkamadda federaalka ee Addis Ababa taariikhdu marka ay ahayd 24-kii bishii April.

Wadaadka Itoobiyaanka ah ee Belay, darawalkiisa iyo waardiyihiisa gaarka ah ayaa isku dayay in ay si sharci darro ah lacagtaas kala baxaan bangiga, sida lagu sheegay dacwada loo gudbiyay maxkamadda.

Eedeymaha loo jeediyay wadaadkan masiixigiga ah iyo kooxdiisa waxaa ka mid ah in ay sameysteen dukumentiyo been abuur ah si ay ugu suura gasho in ay si fudud lacagta ugala baxaan bangiga.

Ururka Midowga Afrika ayaa tilmaamay in ay ka go’antahay inuu si adag u ilaaliyo hannaanka maamulka maaliyadda, wuxuuna ballan qaaday in ay lacagta ku bixinayaan adeegyada horumarineed ee qaaradda Afrika.

Bayaan ay soo saartay Kaniisadda Itoobiya ayay ku sheegtay in eedeymaha loo jeediyay wadaadka aysan wax saameyn ah ku lahayn Kaniisadda Ortodokska ee Itoobiya ayna tahay wax uu isagu shaqsiyan ku lug leeyahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here