By Abukar Osman
Washington, D.C. –Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jamhuuriyadda Jabuuti, Ilyas Muse Dawaleh, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Washington, D.C. mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Bangiga Adduunka iyo hay’ado horumarineed oo caalami ah.
Kulanka oo gaar ah ay ula yeesheen Madaxa Galbeedka iyo Bartamaha Afrika ee Bangiga Adduunka, Ousmane Diagana, ayaa diiradda lagu saaray:
- Dardargelinta waaxyaha dhaqaalaha ee Jabuuti
- La dagaalanka shaqo la’aanta dhalinyarada
- Fursadaha maalgashiga gudaha Jabuuti
- Xakamaynta isbeddelka cimilada
Waxaa sidoo kale lagu xoojiyay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Jabuuti iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
Kadib kulankaasi, wasiir Dawaleh iyo wafdigiisa waxa ay la kulmeen golaha sare ee ururka horumarinta caalamiga ah (ADRA) iyo guddoomiye ku xigeenka ururkaasi, iyagoo ka wada hadlay doorka Jabuuti ee:
- Amniga gobolka,
- Xakameynta tahriibta,
- Hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Dowladda Jabuuti ayaa si firfircoon u horumarinaysaa doorkeeda istaraatiijiga ah ee gobolka, iyada oo ku dadaaleysa in ay noqoto xarunta ugu weyn ee isku xirta Afrika, Bariga Dhexe iyo Aasiya, iyadoo laga faa’iideysanayo dekedaha badda cas iyo marinnada caalamiga ah.