Wednesday, September 3, 2025

Waqooyi Bari oo lagaga dhawaaqay Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

Abukar Osman

Laascaanood (Dawan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, ayaa Habeenimadii Talaadada si rasmi ah uga dhawaaqay Laascaanood daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee doorashooyinka Qof iyo Codka ah.

Madaxweynahe Firdhiye ayaa Xafladda daahfurka ka sheegay in gobolka uu si buuxda ugu diyaar garoobay doorashooyinka heer qaran, heer dawlad goboleed, iyo heer degmo. Waxa uu intaa ku daray in dadaallo xooggan la gelinayo si loo hubiyo ka-qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka doorashada.
“Dadkeennu waa inay doorashada ka qayb qaataan, isku abaabulaan, oo si weyn isu diiwaangeliyaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Aw Cali. “Waa in aan si dhow ula shaqeyno maamulada gobolka, waxaana hubaa in dadka Waqooyi Bari ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan doorashooyinka qaranka.”


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Ali Yusuf Ali-Xoosh, oo ka hadlay munaasabadda, ayaa tilmaamay in doorashadu ay tahay xuquuq dastuuri ah. “Doorashadu waa xuquuq dastuuri ah oo ku cad Dastuurka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari,” ayuu yiri.

Ku dhawaaqidda daahfurka diiwaangelinta codbixiyayaasha ayaa imaanaysa iyadoo Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay Talaadadii ku dhawaaqeen in diiwaangelinta codbixiyayaasha maanta oo Arbaco ah si rasmi ah laga bilaabi doono Laascaanood, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu diyaarinayo doorashooyinka soo socda.


Waqooyi Bari waxay noqonaysaa maamulkii 4aad ee Soomaaliya oo bilowda diiwaangelinta codbixiyayaasha kadib Gobolka Banadir, Hirshabelle, Galmudug, iyo Koonfur Galbeed oo horay looga bilaabay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here