Wednesday, December 4, 2024

Hannaanka dhisidda iyo shaqada guddiga doorashooyiinka (warbixin)

Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, xilli uu jiray buuq iyo dood ka dhex taagneyd xubnaha golaha. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay ansixinta xubnaha guddiga, taasoo noqotay tallaabo ay xukuumaddu u aragto muhiim oo loo qaaday hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada kasoo jeeda Jubaland ayaa markii hore diidmo ka muujiyay ansixinta guddigan, hase yeeshee Guddoonka Golaha ayaa furay kulanka oo ugu dambeyn ku dhawaaqay in xubnaha guddiga la ansixiyay. Guddiga ayaa isla goobta lagu dhaariyay si ay hawlahooda u bilaabaan.

Ansixinta Baarlamaanka ee guddigan waxay imaanesa saacado kadib markii Golaha Wasiirrada uu kulan degdeg ah ku magacaabay xubnaha guddiga, taasoo ka dhigan in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin ka duwan kuwii ka dhici jiray dalka

Shaqada guddiga doorashooyiinka

Guddigan cusub ayaa ka kooban 18 xubnood, waxaana loo xilsaaray shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Maamulka iyo hufnaanta doorashooyinka.
  2. Diiwaangelinta xisbiyada iyo murashaxiinta.
  3. Cayimaadda soohdimaha doorashada.
  4. Kormeerka hab-dhaqanka doorashooyinka.

Guddigan ayaa qeyb ka ahaa hirgelinta heshiiskii doorashooyinka qof iyo codka ee ay Golaha Wadatashiga Qaran saxiixeen 27-ka May 2023, iyadoo Puntland aysan qeyb ka ahayn heshiiskaas. Heshiiskan ayaa lagu daray dastuurka, wuxuuna qeyb ka ahaa wax ka beddelka lagu sameeyay CUTUBKA 4AAD ee MATALAADDA SHACABKA, kaasoo la ansixiyay 30-ka Maarso 2024.

Xigasho, xafiiska ra’iisul wasaaraha

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga

Xubnaha guddiga waxaa lagu xiray dhowr shuruudo oo ay ka mid yihiin:

  • Waa in uu yahay muwaadin Soomaaliyeed.
  • Waa inuu haystaa shahaado jaamacadeed iyo waayo-aragnimo maamul oo 10 sano ah.
  • Da’diisu waa inay ka weyn tahay 35 sano.
  • Lama oggola xubno hore uga tirsanaa xisbi siyaasadeed, hayay xil dowladeed, ama ciqaab maxkamadeed ku dhacday.

Xilhaynta iyo Waayidda Xubinnimada

Xubnaha guddiga ayaa xilka hayn doona muddo lix sano ah oo aan dib loo cusbooneysiin karin. Sababaha keeni kara in xubinimada la waayo waxaa ka mid ah geeri, istiqaalad, ama xukun maxkamadeed oo kama dambeys ah.

Diidmada Mucaaradka

Guddigan ayaa wajahaya diidmo xoogan oo uga imaaneysa, dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo garab ka helaya mucaaradka iyo saamileysa siyaasadda, kuwaas oo ku eedeynaya dowladda inay dhismihisa u martay hannaan baal marsan xeerarka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here