Monday, July 14, 2025

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

By Abukar Osman

Muqdisho

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  si rasmi ah u shaacisay in adeegyada ay bixiso Wasaaraddu lagu xiray nidaamka Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Muqdisho

Ciidamada Burundi ee qayb ka ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa sii wadaya hawlgalkooda muddo lix bilood ah, inkasta oo markii hore loo qorsheeyay inay ka baxaan Soomaaliya 30-kii Juun 2025. Go’aankan ayaa laga soo saaray kulankii 1287-aad ee Guddiga Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika (AUPSC) ee 3-dii Luulyo 2025.

Addis Ababa

Dowladda Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay faragelin milatari, ku xadgudubka xuduudaha, iyoinay  iskaashi la leedahay kooxaha hubeysan ee ku sugan gobolka waqooyi ee Tigray, sida ku cad warqad diblomaasiyadeed oo loo diray Mareykanka.

Geneva

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa si cad u diiday qaraar ay soo jeedisay Eritrea oo ay ku doonaysay in lagu joojiyo awoooda Wakiilka Gaarka ah ee arrimaha xuquuqda aadanaha ee dalkaas.

Qaza

Ugu yaraan 47 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay maanta kadib markii ciidamada Israa’iil ay duqeymo culus ku fuliyeen qaybo badan oo ka mid ah Marinka Qaza, sida ay sheegeen ilo caafimaad.

Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacaawday guddiga farsamo ee loo xil saaray dhamaystirka maamul-dhiska ee Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo

.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here