Saturday, July 27, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

TÜRKIYE

Ankara- Turkiga ayaa u dabaal degaya maanta maalinta carruurta iyo madax banaanida oo ku beegan sannad-guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Baarlamaanka dalkaas sannadkii 1920-kii.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa qaar ka mid ah carruurta ku qaabili doona xarunta madaxtooyada, isaga oo sidoo kale madaxtooyada kusoo dhaweyn doona Golaha Baarlamaanka.

FRANCE

Strasbourg – Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa war-saxaafadeed kasoo saari doona dilalka soo noqnoqday ee ay ciidamada Israel u geystaan shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo, saxafiyiinta iyo dadka rayidka ah.

Josep Borrell ayaa sidoo kale ka hadli doona isticmaalka hantida la xayiray ee Ruushka si loogu taageero dib u dhiska Ukraine.

SWEDEN

Oslo- Madaxweynaha Finland Alexander Stubb ayaa booqasho 2 maalmood ah ku tagaya dalka Sweden.

POLAND

Warsaw – Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg iyo Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak ayaa booqan doona Poland.

Sunak ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo lacag dhan £500 milyan ($617 milyan) oo gargaar milatari ah taas oo lagu taageero Ukraine.

KYRGYZSTAN

Bishkek – Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron ayaa wada hadal la yeelanaya madaxda Kyrgyz-ka, xilli uu booqasho ku marayo bartamaha Aasiya.

Ruushka

Moscow – Madaxweyne Vladimir Putin ayaa ka qeyb galaya munaasabad weyn oo lagu xusayo sanad-guuradii 50-aad ee ka soo wareegatay billaawga dhismaha jidka tareenka ee Baikal-Amur.

Moscow – Shirkii saddexaad ee Belarusian-Latin American Forum ayaa ka dhacaya caasimadda Ruushka.

Ka qaybgalayaasha Belarusian-ka ayaa soo bandhigi doona qorshahooda ku aadan in xiriir ganacsi ah oo toos ah ay la sameeyaan adeegyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee safaaradaha Latin America.

US

Washington – Madaxweyne Joe Biden ayaa uga qeyb gelaya Florida laba xaflad oo ku saabsan oloalaha doorashada.

Biden ayaa la filaya inuu ka hadlo xaaladda Gaza iyo xiisadaha Bariga Dhexe.

Washington – Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa la filayaa in ay u codeeyaan shuruucdii ay ansixiyeen Sabtidii lasoo dhaafay Golaha Wakiillada ee ku saabsanaa taageerada dibadda ee la siinayo Ukraine iyo Israel.

New York – Philippe Lazzarini, oo ah guddoomiyaha guud ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, ayaa warbixin kooban siin doona warbaahinta, si uu uga jawaabo eedeymaha Israel usoo jeedisay hay’adda.

NIGERIA

Abuja – Nigeria waxaa ka billaawday shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlaya ka hortagga argagixisada.

Shirka waxaa ka qeyb gelaya madaxda dalaka galbeedka Afrika, Midowga Afrika iyo madax ka socota Qaramada Midoobay.

RWANDA

Kigali – Qaar ka mid ah wadamada ku yaala bariga Africa ayaa soo saaray digniino ku aadan tillaabooyinka looga hortegayo cudur halis oo ku dhacaya indhaha kaas oo ka dillaacay wadamada Koonfurta Suudaan iyo Uganda.

CAMBODIA

Phnom Penh – Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa lagu wadaa in uu soo gabagabeeyo booqasho rasmi ah oo uu ku joogay Cambodia oo qaadatay 3 maalin .

SHIINAHA

Beijing- Wasiirka Arrimaha Dibadda Malaysia Utama xaaji Maxamed ayaa booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Shiinaha taas oo qaadan doonta 23-ka ilaa 25-ka bishan April.

CIYAARAHA

London-Chelsea ayaa wajihi doonta kooxda ay isku magaalada yihiin ee Arsenal kulanka London Derby ee ka tirsan horyaalka Premier League kaas oo dhici doona garoonka Emirates.

Kulanka Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu waday in uu dhaco 16-kii March balse waxaa loo dhigay dib si loo ciyaaro koobka FA Cup-ka oo kama dambeys isku soo hareen Manchester City iyo Manchester United.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here