Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya / Japan

Dowladda Japan ayaa Soomaaliya ka cafisay deyn dhan 100 milyan oo dollar, sida lagu sheegay munaasabad ka dhacday maanta safaaradda Japan ee Nairobi

Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa sheegtay inay soo xirtay laba xubnood oo Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka sahanka.

Hargeysa

Olalaha doorashada Somaliland ayaa weli socda, iyada oo ururada iyo xisbiyada siyaasaddu ay ku loolamayaan sidii ay u heli lahaayeen kalsoonida dadwayna. Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa maalintii labaad ka sameeyay magaalooyinka Somaliland isku soo bax uu kusoo bandhigay taagerayashiisa.

Kismaayo

Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray maanta magaalada Kismaaayo, iyaga oo ka jawaabaya wadatashigii uu ku casuumay m/weynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Kenya

Laamaha amniga ee magaalada Mombasa ayaa gacanta kusoo dhigay 80 qof oo ku eedeysan ku lug lahaanshaha falal dambiyeedyo kala duwan oo ka dhacay magaalada.

Itoobiya

Amnesty International ayaa ku eedeysay laamaha amniga ee Itoobiya inay ka sameeyeen gobolka Amxaarada xarig wadareed lagula kacay dad rayid ah. Hay’addu waxay sheegaty in kumanaan rayid ah lagu xiray xeryo kumeel gaar ah iyada oo aan dacwad lagu soo oogin.

Uganda

Baarlamaanka Uganda ayaa meel mariyay sharciga kafeega qaranka ee 2024-ka , kaas oo dhigaya in wasaaradda beeruhu la wareegto arrimaha la xiriira kafeega. Hay’addi maamuli jirtay kafeega ayaa sidoo kale la baabi’yay.

Nigeria

Taliyihii ciidamada Nigeria Taoreed Abiodun Lagbaja ayaa geeriyooday, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas. Taoreed ayaa soo hogaaminayay ciidamada Nigeria tan iyo bishii Juun 2023, waxana lagu xasuusataa dagaalkii uu la galay kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeday dowladda.

Falastiin

Baarlamaanka Israel ayaa meelmariyay sharci ogolaanaya in xukun xabsi ah lagu rido karo carruurta Falastiiniyiinta ee da’doodu ka yar tahay 14 sano.

Shiinaha

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ugu baaqay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, in uu si toosan u maareeyo khilaafaadka labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here