Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Hargeysa

Dadwaynaha Somaliland ayaa maanta u dareeray goobaha cod bixinta si ay u go’aamiyaan madaxweynaha xiga ee xukumi doona 5 sano ee socota.  1,227,048 qof, ayaa xaq u leh inay ka cadeeyaan 1,235 xarumood oo ku kala yaal gobollada Somaliland.

Muqdisho

Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa guda dalay Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Jigjiga

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo ayaa kormeeray mashaariicaha horumarineed ee laga fulinayo xarunta gobolka Daawa ee Leey.

Kenya

Boliiska Kenya ayaa shaaciyay inay geeriyootay Moline Atieno oo 19 sano jir ahayd kana mid ahyd ardayda hadda ku jira imtixaanka shahaadiga dusgia sare ee dalakas.

Filibiin

Filibiin waxay daadgureyn ugu jirtaa in ka badan 28,000 oo qof kadib markii ay dalkaas ku dhufatay duufaan xoogan.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhagaysan doona warbixin ku saabsan arrimaha Bariga Dhexe waxayna sidoo kale wadatashi ka yeelan doonaan xaaladda Yemen.

Azerbaijan

Hogaamiyayaasha Aasiya oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, ayaa khudbado ka jeedina shirka 29-aad ee isbedelka cimilada kaas oo ka socda caasimadda Azerbaijan ee Baku.

Sri Lanka

Sri Lanka, waxaa la qorsheeyay in berri ay ka dhacdo doorasahda baarlamaanka oo ka kooban 225 xubnood.

Masar

Wasiirka arrimaha dibadda Koonfura Afrika, Ronald Lamola ayaa booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku tagi doona dalka Masar wuxuuna kulan lagu xoojinya iskaashiga siyaasadda labada dal la yeelan doona dhiggiisa dalkaas.

Falastiin

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 50,000 oo caruur ah oo ku nool Marinka Gaza ay wajahayan nafaqo darro ayna u baahan yihiin daweyn.

Itoobiya

Isbaheysiga ururrada bulshada rayidka ah ayaa walaac ka muujiyay wax ka bedelka la soo jeediyay ee ku saabsan warbaahinta Itoobiya, waxayna ka digeen in maamulka warbaahintu gacanta u wada galo hay’adda fulinta. Wax ka bedelka waxaa ka mid ah in awoodda magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Warbaahinta laga qaado baarlamaanka, loona wareejiyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here