Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho: Xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo la ansixiyay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay Xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ogolaatay 169-Xildhibaan, waxaa diiday 6-xildhibaan, mana jirin xildhibaan ka aamusay, sida uu sheegay guddoonka.

Hargeysa: Maxkamadda sare oo ansixisay natiijadii doorashooyiinka

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta ansixisay natiijada rasmiga ah ee doorashadii Madaxweynaha ee uu ku guuleystay Cabdiraxmaan Cirro oo ka socday xibiga mucaaradka ee Waddani.

Wajeer: Askari ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu dhaawacay Wajeer

Askari ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dhaawacay Wajeer kadib markii koox burcad ah ay isku dayday inay ka dhacaan mootadiisa.

Namibia: Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo loo dareeray

Muwaadiniinta Namibia ayaa maanta oo Arbaca ah u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne iyo baarlamaan cusub. Xisbiga talada haya ee dalkaas soo xakumayay muddo 34 sano ah ayaa la saadaalinaya inuu la kulmi doono tartan adag.

Itoobiya: Hoggaamiyayaasha bulshada rayidka oo u cararaya dibadda

Warbixin kasoo baxday Xarunta Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhowr hoggaamiye oo bulshada rayidka ah ay isaga carareen dalka kadib markii ay la kulmeen cabsi-gelin iyo hanjabaadyo xooggan.

Suudaan iyo Eritrea oo xoojinaya iskaashigooda

Cabdifataax al-Burhan, Hoggaamiyaha Suudaan, ayaa booqasho shaqo ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea. Al-Burhan ayaa Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki kala hadli doona sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, Yemane G. Meskel.

Dacwad ka dhan ah madaxa milatariga Myanmar

Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Karim Khan, ayaa ku baaqay in la soo saaro amar lagu soo xirayo madaxa milatariga Myanmar, Min Aung Hlaing, oo loo haysto dambiyada uu ka galay muslimiinta gobolka Rohingya.

Mauritania: 125 tarhriibayaal ah oo la qabtay

Dowladda Mauritania ayaa sheegtay in la xiray shabakad ka shaqeysa tahriibinta, xilli ay isku dayeysay inay abaabusho tahriibinta 125 qof oo ku wajahnaa Yurub.

Falastiin: Gaza waxaa lagu dilay 44,282 qof tan iyo October , 2023

Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa maanta sheegtay in tirada dadkii ku dhintay dagaalka ay gaartay 44,282 qof tan iyo October , 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here