Sunday, December 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

In ka badan 160 Soomaali ah oo dalka dib loogu soo celiyay

Dowladdda Soomaaliya oo gacan ka heleysa hay’adaha caalamiga ayaa dalka dib ugu soo celisay 161 dhallinyaro ah oo ku xayirnaa Libya. 87 ka mid ah dadkaas waxay ka degeen Muqdisho halka 74 kale la geeyay Hargesa.

DDS: Shirka shaqa abuurka ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga.

Shirweynaha sanad laha ah ee shaqo abuurka ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga. Shirka ayaa lagu soo bandhigaya shaqo abuurka iyo fursadaha shaqo ee ka jira Dowlad Deegaanka Soomaalida si ay uga faa’iidaystaan xirfadlayaasha iyo bulshada qaybaheeda kala duwan

Dhaqaatiirta dawooyinka Kenya oo dibad-bax sameeyay

Ururka dhaqaatiirta dawooyinka Kenya ayaa maanta bannaanbax ka dhigay afaafka hore ee wasaaradda caafimaadka. Ururka ayaa cabasho ka muujiyay in aan xubin matalaysa ururka lagu soo darin guddiga caymiska ee la magacaabay.

Jahwareerka Siyaasadeed ee Koonfur Kuuriya

Baarlamaanka Koonfur Kuuriya ayaa u yeeray wasiirka gaashaandhigga, Kim Yong-hyun, si wax looga waydiiyo kaalintii uu ku lahaa in madaxweyne Yoon Suk Yeol uu dalka kusoo rogo xaalad militeri. Dhanka kale, Ururka shaqaalaha adeegga dadweynaha iyo gaadiidka ayaa ku dhawaaqay in ay shaqo joojin sameyn doonaan , iyagoo dalbanaya in madaxweynuhu xilka iska casilo.

Ra’iisul Wasaaraha UK oo soo bandhigaya yoolalka xukuumadiisa ee sanadka

Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa ka hadli doona qorshihiisa cusub ee isbeddelka oo diiradda lagu saarayo shan yool oo kala ah: dhaqaalaha, daryeelka caafimaadka, ka hortagga dambiyada, waxbarashada, iyo yareynta qiiqa hawada lagu sii daayo.

Xukuumaddii Faransiiska oo la riday

Faransiiska waxaa ka taagan jahawareer siyaasadeed kadib markii xukuumaddii Michel Barnier kalsoonida lagala noqday. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la filayaa inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, wuxuuna khudbad u jeedin doonaa shacabka fiidnimada Khamiista.

Golaha Ammaanka ee QM oo ka doodi doona hubka kiimikada ee Suuriya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeelan doona eedeymo cusub oo ka dhan ah dowladda Suuriya oo ah adeegsiga hubka kiimikada

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo u socdaalaya Algeria

Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa booqasho labo maalmood ah ku tagi doona Algeria, halkaas oo uu wada hadal la yeelan doono madaxweynaha Algeria, Cabdimajiid Tebboune. Ujeedka booqashada Ramaphosa ee Algeria ayaa ah ka qeyb galka kulanka 7-aad ee iskaashiga labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here