Sunday, December 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Xassan iyo Abiy oo Ankara ku kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan fool ka fool ah markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal, oo salka ku haya heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Madaale oo xilka laga qaaday

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Maxamed Axmed Amiir loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Jabuuti oo dhinacayda Suuriya ugu baaqday midninmo

Dowladda Jabuuti ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada Suuriya inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, ayna galaan wada-hadal miro-dhal ah si dalka loogu soo celiyo nabad iyo xasilooni.

Ururada Bulshada Rayidka Itoobiya oo ka cabanaya xayiraad lagu soo rogay

Ururada Bulshada Rayidka Itoobiya ayaa cabasho ka muujiyay xayiraadda ay dowladdu kusoo rogtay shaqooyinkii ay qaban jireen. Ururadu waxay sheegeen in la xiray akoonadoodi lacagaha taas oo keentay inay bixi waayaan mushaaraadka shaqaalaha.

Booqashada Madaxweynaha Masar ee Yurub

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax al-Sisi, ayaa maalintii lixaad ku jira socdaal ballaaran oo Yurub ah isaga oo kasoo billaabay Khamiistii Copenhagen, caasimadda Denmark.

Al-Sisi ayaa soo maray Oslo, caasimadda Norway, isaga oo kulan la qaatay Boqor Harald V iyo saraakiil sarsare. Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Masri ah booqdo Oslo tan iyo markii xiriirka diblomaasiyadeed la bilaabay 1936.
Safarka waxaa uu ku soo gabagabeyn doonaa Dublin, caasimadda Ireland.

Xafladda Abaalmarinta Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Mareykanka

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka hadli doona xaflad lagu bixinayo abaalmarinta difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Golaha Ammaanka ee QM oo ka doodaya xaaladda bani’aadannimo ee Gaza

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelanaya qaraarka 2720, kaas oo ku baaqaya in la kordhiyo kaalmada bani’aadannimo ee xaaladda adag ee ka jirta Gaza.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Haiti oo ay ku dhinteen dad ka badan 180 qof

Weerar hubeysan oo ka dhacay magaala u dhow Port-au-Prince ee Haiti ayaa sababay dhimashada in ka badan 180 qof oo u badnaa dad waayeel ah. Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay dhacdadan, iyadoo xaaladda amniga ee dalkaas ay sii xumaaneyso.

Indonesia oo wajahaysa cimilo xun

Indonesia ayaa isku diyaarineysa cimilo adag, iyadoo saddex duufaanno oo waaweyn ay sababeen daadad, dhimashada 12 qof, iyo in ka badan 3,000 qof oo guryohooda ka barakacay.

Maxaabis ka baxsatay xabsi ku yaal Congo

In ka badan 20 maxbuus ayaa ka baxsatay xabsi ku yaal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Ciidamada ammaanka ayaa weli ku raad-jooga maxaabiista baxsatay, kuwaas oo qaarkood horay loogu  xukumay dil.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here