Wednesday, December 18, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Cirro oo xilka la wareegay

Madaxwenaha la doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilka ula wareegay si rasmi ah kadib munaasabad maanta ka dhacday Hargeysa oo ay kasoo qeyb galeen diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Cirro waxaa horyaalla wax ka qabashadaha dhaqaalaha, shaqa la’aanta, colaadaha ka jira Sool iyo sii amba qaadidda geediga ay Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah.

Mustaf Dhuxuloow: Min wasiir ilaa agaasime

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, in uu noqdo Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Dhuxulow oo xildhibaan soo ahaa muddo dheer, waxa uu sidoo kale horay usoo qabtay xilal waawayn oo ay ku jiraan hogaaminta wasaarado.

Safarka La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ee Israel

La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan, ayaa booqanaya Israel todobaadkan si uu ugala hadlo arrimaha muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin dadaallada xabbad-joojinta Gaza, xaaladaha Suuriya, iyo Lubnaan.

Hawlgallada ciidamada Israel ee Daanta Galbeed

Ciidamada Israel ayaa hawlgallo ballaaran ka fulinaya magaalooyinka iyo tuulooyinka Daanta Galbeed ee Falastiin. Tan iyo bishii October 2023, in ka badan 809 qof ayaa lagu dilay Daanta Galbeed, iyada oo 160 ka mid ah ay carruur yihiin.

Xaaladda amni ee Suudaan

Xaaladda amni ee Suudaan ayaa kasii dareysa, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidanka dowladda iyo xoogaga RSF ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xero ay ku suganyihiin barakacayaal iyo suuq xoolo oo ku yaalla magaalada El Fasher ee Galbeedka dalkaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo kulamada muhiimka ah

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka shiraya Afghanistan iyo nabad ilaalinta xadka Suuriya iyo Israel.

Madaxweynaha Brazil oo qalliin kale mari doona

Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva, ayaa mari doona qalliin dheeraad ah kadib markii dhawaan qallin looga sameeyay maskaxda.

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Yurub

Jarmalka ayaa martigelinaya kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee Yurub ee lagu taageerayo Ukraine, iyadoo lagu wado in mas’uuliyiin sare oo Midowga Yurub ah ay kasoo qeybgalaan.

Booqashada Macron ee Poland

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la kulmaya Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk si ay uga wada hadlaan taageerada Ukraine iyo xiriirka Yurub iyo Mareykanka kadib doorashadii Trump.

Xiisadda siyaasadeed ee Georgia

    Dalka Georgia ayaa wajahaya xiisad siyaasadeed kadib markii dowladdu ay hakisay wada xaajoodyadii Midowga Yurub ilaa 2028, taas oo dhalisay dibadbaxyo waaweyn oo ay shacabka dhigayan.

    Masar iyo Shiinaha oo kawada hadlaya xiriirkooda

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa booqasho ku jooga Shiinaha si ay labada dal uga wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhaxeeya.

    Share this article

    Recent posts

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here