Thursday, December 26, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya

War-saxaafadeed looga hadlayey kulanka labada wasiiru dowlo e Soomaaliya iyo Itooboiya  ku yeesheen Addis Ababa Maanta ayaa lagu sheegay in Cali balacad uu Itoobiya u gudbiyay cabasho iyo cambaareyn ku saabsan weerarka ay ciidamada Itoobiya ka geysteen magaalada Doolow, isagoo ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaas. Sidoo kale, waxaa lagu xusay in dhiggiisa Itoobiya, Safiir Mesganu Arega, uu ballanqaaday in Itoobiya ay diyaar u tahay inay si degdeg ah u bilowdo baaritaanka ku saabsan dhacdadaas. 

Soomaliya

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa lagu sheegay in shalay, , magaalada Kismaayo uu ka dhacay fal khatar ku ah nidaamka duulista diyaaradaha iyo badbaadada rakaabka. Dhanka kale Jubalanad ayaa sheegtay in ay dowladda dhexe masuul ka tahay hakadka ku yimid duulimaadyada Kismnaayo

Suuriya

Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (SNHR) ayaa sheegtay inay uruurisay liis ay ku jiraan ku dhawaad 16,200 oo xubnood oo ka tirsanaa nidaamkii la riday ee Assad kuwaas oo lagu eedeeyay inay geysteen dambiyo ka dhan ah shacab rayid ah. 

Qasa

Isniintii, ciidanka Israa’iil ayaa dilay ugu yaraan 14 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan shan ilaalo oo la socday baabuurta gargaarka, halka ay dhaawaceen tiro badan oo ku sugnaa Rafah iyo Khan Younis kadib duqeymo iyo gantaallo lagu garaacay goobahaas. 

Tirada dhimashada dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ka waddo Gaza ayaa tan iyo sanadkii hore gaartay in ka badan 45,300 oo qof, halka tiro ku dhow 107,800 ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza. 

Bangladesh Bangladesh ayaa weydiisatay New Delhi inay u soo gacan geliso Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina. Hasina ayaa ku nool India tan iyo bishii Agoosto kadib markii xukuumaddeeda ay dhacday xilli kacdoon shacab oo soo afjaray 15 sano oo ay xilka haysay. Hasina ayaa wajahaysa dacwado la xiriira xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka socda caasimadda Dhaka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here