Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Soomaaliya
Jubbaland ayaa si adag uga jawaabtay war ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), kaas oo sheegay in diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines si sharci-darro ah looga afduubtay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo. Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubbaland ayaa ku tilmaantay warbixintaas “mid aan sal iyo raad lahayn” oo ujeedkiisu yahay in lagu siyaasadeeyo adeegyada duulimaadka rayidka.
Soomaaliya
Soomaaliya oo oo Itoobiya Siisay Dookha Badda intii lagu gida jiray Kulanakii addi ababa Sida ay sheegatay Wakaaladda Wararka Itoobiya. Iyadoo Soomaaliya leedahay xeebta ugu dheer Afrika, Itoobiya-na ay leedahay suuqa ugu weyn gobolka, Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay fududeyso marin ganacsi oo toos ah oo ay Itoobiya ku gaarto meel kasta iyo waqti kasta,” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Cumar
Soomaaliya
Madaxweynaha Soomalaya ayaa safar laba maammood ah ku gaaray Eritria iyadoo Soomaaliya iyo Eritrea la filayaa inay ka wada hadlaan heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee #Eritrea ay ku eedeysay inuu yahay mid si deg-deg ah loo sameeyay.
Itoobiya
Hay’adaha amniga ee Itoobiya iyo Jabuuti ayaa 23-kii Diseembar ku dhawaaqay inay gaareen heshiis lagu dhisayo guddi wadajir ah oo lagu joojinayo waxa ay ugu yeereen “xoogagga nabad-diidka” ee ka hawlgala xuduudaha labada dal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Itoobiya. Heshiiskan ayaa lagu gaaray intii lagu guda jiray shir u dhexeeyay Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka ee Itoobiya (NISS) iyo Hay’adda Sirdoonka Jabuuti, kaas oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.
Israa’iil
Kooxaha hubeysan ee Suuriya ayaa Talaadadii ku heshiiyey inay is kala diraan oo ay ku midoobaan Wasaaradda Gaashaandhigga. Wakaaladda wararka ee SANA ayaa sheegtay in go’aankan lagu gaaray shir ka dhacay Dimishiq, kaasoo u dhexeeyey madaxa maamulka cusub ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, iyo wakiillada kooxaha kacdoonka ee dalka.
Gaza
UNRWA ayaa sheegtay in ugu yaraan 14,500 oo carruur Falastiiniyiin ah la dilay tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza sannadkii hore, iyadoo sheegtay in saacaddiiba hal cunug la dilo.
Haiti
Xaaladda bani’aadamnimo iyo siyaasadeed ee Haiti ayaa sii xumaanaysa, halkaas oo rabshadaha kooxaha burcadka ah ay ku dileen ku dhawaad 5,000 oo qof sannadkan.
Mozambique
Dibadbaxyada ka socda Mozambique ayaa la filayaa inay sii socdaan kadib markii maxkamadda sare ee dalka ay xaqiijisay in Daniel Chapo oo ka tirsan xisbiga talada haya ee Frelimo uu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee dhacay Oct. 9.
Dibadbaxyada cusub ayaa bilaabmay Isniintii fiidkii ilaa Talaadadii, iyadoo ay ku dhinteen 21 qof. Tan iyo markii dibadbaxyada ugu horreeyay billowdeen Oct. 21, ugu yaraan 151 qof ayaa lagu dilay, sida ay sheegeen kooxaha bulshada rayidka ah.
Bangladesh
Howlgallada samata bixinta iyo dib u dejinta ayaa ka socda Bangladesh kadib dab weyn oo burburiyey xerooyinka qaxootiga Rohingya ee Kutupalong Camp 1W ee Cox’s Bazaar. Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay halka in ka badan 500 guryo ay ku gubteen.