Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) ayaa shalay si rasmi ah u shaaciyey inuu si buuxda ugu diyaar garoobay doorashooyinka golayaasha deegaanka, oo la qorsheeyey in ay dhacaan 30-ka Juun 2025.
Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa bartiisa Facebook ku shaaciyey in Dowladda Soomaaliya ay heshay diyaarad dagaal oo nooca Akinci ah.
Hirshabeelle
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u socdaalay qaar kamid ah deegaannada Hirshabeelle, oo bilihii u dambeeyay ay ka socdeen dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisa ku mari doona dhowr deegaan ayaa goor dhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isagoo uga sii gudbay Moqokori, Hiiraan.
Qaza
Ciidamada Israa’iil ayaa Talaadadii waaberigii fuliyay weerarro cirka ah oo ka dhacay Gaza, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 200 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur. Israa’iil waxay sheegtay in weerarradan ay jawaab uga dhigtay diidmada Xamaas ee sii-deynta la haystayaasha Israa’iil iyo inay aqbasho dalabyada dhexdhexaadiyeyaasha.
Qaza
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona xaaladda Falastiin, waxaana la filayaa in xoghayaha arrimaha bani’aadminimada ee QM uu warbixin ka siiyo xaalada bani’aadminimo ee Gaza.
Sudan
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF ayaa weli ka socda Khartoum, iyadoo ciidanka qaranka uu sheegay inay la wareegeen xarumo istiraatiiji ah oo ku yaalla bartamaha caasimadda.
Berlin
Baarlamaanka Jarmalka ayaa cod u qaadi doona hindise lagu doonayo in kor loogu qaado miisaaniyadda difaaca dalka, taasoo qeyb ka ah qorshe ay xukuumaddu rabto inay wax ka beddesho xeerka dhaqaalaha si deyn lagu qaadan karo.