Saturday, July 27, 2024

Muxuu xambaarsan yahay safarka Xasan Sheekh ee Jabuuti?

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haabeenimadii xalay gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Madaxweyne Xasan ayaa maanta kulan la yeelan doona dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana la filayaa in ay ka wada hadli doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo kaalinta ay Jabuuti ka geysan doonto garab istaagga dowladda Soomaaliya.


Xiriirka labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ah mid fiican, tan iyo markii dib loo doortay madaxweyne Xasan bishii May 2022.

Jabuuti ayaa kamid ah waddamada ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee loo yaqaano ATMIS.

Si aan looga baran duulimaad toos ah oo Dhuusamareeb illaa Jabuuti ah ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh uga ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee uu ku sugnaa 40-kii maalin ee la soo dhaafay.

Villa Somalia ayaan ilaa iyo hadda la wadaagin bulshada iyo warbaahinta warka ku saabsan safarka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here