Wednesday, April 2, 2025
Array

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho 

Diyaarad nooceedu yahay De Havilland Dash 8 oo ay maamusho Qaramada Midoobay, islamarkaana ay saarnaayeen 22 qof, ayaa si degdeg ah dib ugu soo laabatay garoonka Muqdisho iyadoo isticmaashay caloosheeda, kadib markii lugta hore ama giraangirta hore aysan u shaqeyn.

Jigjiga 

Munaasabad sagootin ah ayaa loo qabtay koox dhaqaatiir ah oo muddo todobaad ah qalliinka wadnaha ka fulinayay Isbitaalka Taqasusiga Darajada Sare ee Sheikh Xasan Yabare. Dhaqaatiirtan ayaa qayb ka ahayd wejigii labaad ee ololaha qalliinka wadnaha, kaas oo faa’iido u yeeshay carruur iyo dad waaweyn oo la il-darnaa xanuunnada wadnaha.

Jigjiga 

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Madaxtooyada deegaanka ku qaabilay hoggaan sare oo ka tirsan ururka Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), oo ay hoggaaminayeen mas’uuliyiin uu kamid yahay Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax).

Soomaaliya 

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo si rasmi ah u bilaabmay bishii Janaayo 2025 si uu u beddelo ATMIS, ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin, kadib markii khilaaf ka taagan yahay qaabka maalgelintiisa. Machadka Daraasaadka Amniga ee Midowga Yurub (EUISS) ayaa ka digay in khilaafaadka aan xal laga gaarin ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), iyo daalka ka muuqda deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah – gaar ahaan Midowga Yurub – uu khatar gelinayo howlgalka.

Suudaan 

Waaxda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqday in Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Youssouf Ali, uu u dirayo “Guddiga Odayaasha” magaalada Juba ee Koonfurta Suudaan si ay uga qeyb qaataan dadaallo dhexdhexaadin iyo xasilin siyaasadeed, kaddib rabshadihii ka dhacay magaalada Nasir.

Mareykanka 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii sheegay in uu safar rasmi ah ku tegi doono Bariga Dhexe toddobaadyada soo socda, taas oo noqon doonta safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu xafiiska la wareegay muddo xileedkiisa labaad.

Trump oo warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in uu booqan doono dalalka Sacuudiga, Qatar, iyo Imaaraadka Carabta. Waxa uu sidoo kale xusay in safarkiisu uu ku dari karo dalal kale, balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

Yemen 

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta Yemen ayaa Isniintii ku dhawaaqday in duqeymo cusub oo cirka ah oo uu Mareykanku fuliyay ay ka dhaceen gobolka galbeed ee Al Hudaydah, iyadoo Washington ay sii waddo ol’ole militari oo xooggan oo ka dhan ah kooxdaasi ay Iran taageerto.

Shiinaha 

Dowladda Shiinaha ayaa Talaadadii billowday tababaro militari oo isugu jira ciidamada dhulka, badda, cirka iyo gantaallada, kuwaas oo laga fulinayo agagaarka jasiiradda Taiwan, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda ee dalkaasi.

Falastiin 

Maalintii labaad ee ciidda Muslimiinta ee Ciidul-Fidriga, 41 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo diyaaradeed oo ay Israel ka fulisay deegaannada dadka rayidka ah ku nool yihiin ee ku yaalla Gaza.

Kumannaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay goobo badan oo ku yaalla magaalooyinka Rafax iyo Khan Younis ee koonfurta Gaza, kadib markii ciidamada Israel ay Isniintii bixiyeen amarro qasab kaga saaraya dadka inay ka baxaan goobahooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here