Wednesday, June 18, 2025

Wararrka Dunida oo Kooban

Boosaaso

Taliska Ciidamada Afrika ee Mareykanka (AFRICOM), oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa fuliyay duqeyn cirka ah 13-kii Juun 2025, taas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish ee Soomaaliya, kuwaas oo ku sugan deegaan koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waqooyi-bari Soomaaliya.

Garoowe

Xarig-jarka buundada casriga ah ee magaalada Garoowe ayaa u muuqatay guul muhiim ah, hase yeeshee waxaa durba soo shaac baxay khilaaf siyaasadeed oo hareeyay cidda dhab ahaan leh mas’uuliyadda fulinta mashruucan muhiimka ah.

Jabuut

Jabuuti ayaa qaaday tallaabo muuqata oo horumarineed oo lagu xoojinayo dib-u-isticmaalka biyaha wasakhda ah ee la sifeeyay, taasoo qayb ka ah dadaallada la xiriira ilaalinta deegaanka, yareynta cudurrada biyaha laga qaado, iyo kor u qaadidda adeegyada nadaafadeed ee magaalooyinka.

Qaza

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii ku dilay ku dhowaad 70 Falastiiniyiin ah kuna dhaawacay boqolaal kale, xilli ay dadku raadinayeen gargaar gudaha Marinka Gaza. Weerarkaasi waxaa loo adeegsaday madaafiicda taangiyada, rasaas iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones). Khasaarahaasi wuxuu qeyb ka yahay 89 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarro ka dhacay guud ahaan Gaza tan iyo waaberigii, sida ay baahisay Al Jazeera.

Laascaanood

Laascaanood (Dawan) – Taliska Ciidanka Booliska ee Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay in ay gacanta ku soo dhigeen 23 eedeysane oo loo haysto fal kufsi wadareed ah iyo jirdil culus oo loo geystay laba gabdhood oo dhalinyaro ah habeenkii Sabtida, 14-kii Juun 2025, gudaha magaalada Laascaanood.

Tehran

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shacabka ku nool caasimadda Iran ee Tehran ugu baaqay inay si degdeg ah uga barakacaan, iyadoo aan faahfaahin rasmi ah laga helin sababta. Warka waxaa baahiyay wakaaladda Al Jazeera.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here