Muqdisho – Juun 26, 2025
Garowe
Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubbaland ayaa Khamiista maanta ah shaaciyay in ay dacwad rasmi ah u gudbin doonaan Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), iyaga oo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si siyaasadeysan u adeegsato maamulka hawada dalka.
Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xornimada loo dabaaldagayo aysan kaamil ahayn inta umadda Soomaaliyeed ay kala maqan tahay, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay wax kasta oo suurta gelin kara dib u soo celinta midnimadii qaranka Soomaaliyeed.
Garowe
Dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si wadajir ah ugu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si siyaasadaysan u maamusho kaalmada beesha caalamka, iyagoo sheegay in taasi dhaawac weyn u geysanayso nidaamka federaalka iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladeed.
Mareykanka
Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa sheegay maanta, in uusan arkin wax sirdoon ah oo muujinaya,in Iiraan ay sameysay wax diyaar-garow ah oo ku saabsan goobaha Nukliyeerka ka hor duqeymihii diyaaradaha Mareykanka ee goobaha nukliyeerka Iiraan.