Saturday, July 27, 2024

Madaxweynihii Namibia oo u geeriyooday cudurka kansarka

Windhoek (Dawan)- Madaxweynaha dalka Namibia Xaaji Geingob, oo 82 jir ah ayaa maanta oo Axad ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Windhoek, halkaasoo looga daweynayay cudurka Kansarka, sida ay madaxtooyadu ku shaacisay farriin ay soo dhigtay X.

Madaxweyna ku xigeenka dalka Namibia, Nangolo Mbumba ayaa yiri, “Aad baan uga xumahay, inaan idin ku wargeliyo in Xaaji Geingob, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Namibia, uu maanta ku geeriyooday Isbitaalka Lady Pohamba, oo lagu daweynayay “

Madaxweyne Xaaji Geingob oo dalkaas xukumayay tan iyo sannadkii 2014 ayaa geeriyooday, iyada oo ay garab joogaan xaaskiisa iyo carruurtiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada dalkaas.

Madaxtooyadu waxay ku dhawaaqday bishii January ee la soo dhaafay in baaritaan caafimaad oo caadi ah lagu ogaaday in Xaaji Geingob uu qabo cudurka kansarka, iyada oo loo billaabay daawaynta ku habboon.

Geingob ayaa horay u qabay dhibaatooyin caafimaad ka hor inti uusan qaban xilka madaxweynaha iyada oo qalliin looga sameeyay maskaxda sannadkii 2013-kii.

Sannadkii 2014-kii, Geingob, xilligi uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha ahaa wuxuu ku dhawaaqay inuu ka soo kabsaday cudurka kansarka, isaga oo kadib noqday madaxweynaha dalkaas.

Namibia ayaa lagu wadaa in dhamaadka sannadkan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Musharaxa madaxweyne ee xisbiga talada haya ee SWAPO, Nandi-Ndaitwah, ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horeysay ee madax ka noqota dalka hadii la doorto.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa uga tacsiyeeyay Dowladda iyo Shacabka Namibia geeridii ku timid Madaxweynihii dalkaas Xaaji Geingob.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo Dowladda Namibia ee uu ka baxay Dr. Xaaji Geingob, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Namibia. Dr. Xaaji Geingob waxa uu ahaa hogaamiye naftiisa u huray u adeegida dadkiisa, isla markaana ahaa cod laga ixtiraamo qaaradda Afrika. Inta lagu jiro waqtigan adag, waxaan garab taagannahay qoyskiisa iyo shacabka Namibia oo u baroordiiqaya geeridii hoggaamiyaha weyn”, ayuu bartiisa X ku qoray Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here