Saturday, July 27, 2024

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Israel iyo kooxaha Falastiiniyiinta

 Qudus (Dawan)- Warar is daba joog ah ayaa kasoo baxaya dagaalka Kooxaha Falastiiniyiinta iyo Israel u dhexeeya ee billaawday subaxnimadii Sabtiga.

  • In ka badan 700 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhintay, 2300 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka u dhaxeeya Kooxda Xamaas ee ka dagaalanta Falastiin iyo Israel, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah oo Israel.
  • Idaacadda Ciidamada ee Israel ayaa sheegtay in ay jiraan tiro ciidamo ah oo looga qabsaday dagaalka iyo dhimashada in ka badan 50 asgari oo Booliis ah.
  • Israel waxey dadkeeda ugu baaqday in ay kasoo baxaan deegaanada u dhaw Marinka Gaza
  • Waxaa duulimaadyadoodi ay ku tegi jireen Israel joojiyay qaar ka mid diayaradaha caalamiga ah .
  • Qanaadka Aljazeera oo soo xiganaya laamaha caafimaadka, ayaa sheegay in 413 Falastiiniyiin ah ku dhinteen duqeymaha ay Israel ka fulineyso Marinka Gaza, kuwaas oo ay ku jiraan 78 carruur ah, iyada oo ay jiraan dhaawacyo ka badan 2000.
  • Israel waxey duqeysay goobaha waxbarashada, caafimaadka, cibaadada, ganacsiga iyo guryo deegaan ah, sida ay baahiyiin warbaahinta gudaha Falastiin.
  • Washington Post, oo xiganeysa mas’uuliyiin American ah ayaa sheegaty in Israel ay qorsheyneyso in ay dagaal dhulka ah ku qaadi doonto marinka Gaza, saacadaha soo socda.
  • Ms’uul Iraan ah ayaa u sheegay Wall Street Journal in Iran ay duqeyn doonto Israel haddii amniga Iran la geliyo halis.
  • Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa garab istaag u muujiyay Israel, waxeyna weerarka Xamaas ku tilmaameen mid argagixiso.
  • Midowga Africa oo bayaan ka soo saaray dagaalka ayaa sheegay in dhibaatda jirta looga bixi karo in la helo dowalad Faslastiin ah oo madax bannaan si shacabka Falastiin u helo xuquuqdiisa asaasiga ah.
  • Qatar waxey mas’uuliyadda dusha uga tuurtay Israel, iyada oo ku eedeysay in ay iska dhega tirtay baaqyadii caalamka iyo fulinta heshiisyadii hore loo galay, sida laga soo xigata wasaaradda arrimaha dibadda.
  • Qaar ka mid dowladaha Caalmaka oo arrintaan dhaxdhaxaad ka ah ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay si dedg-deg ah u joojiyaan dagaalka si looga fogaado khasaare dheeraad ah.
  • Poland waxay sheegtay in ay boqolaal muwaadiniinteeda ah kasoo daad gureysay Isarel

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here