Saturday, July 27, 2024

Wararkii ugu dambeeyay ee roobabka

Muqdisho (Dawan)- Gobollada Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika waxaa ka da’aya roobab xooggan oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada kale.

Deegaanada qaar waxaa laga soo werinaya in ay jirto dhimasho iyo dad lagu waayay daaadka ka dhashay roobka.

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay roob mahiigaan ah kaas oo sababay in waddooyinka ay fadhiistaan biyo.

Roobabku waxa ay jareen waddaddii isku xireysay magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho.

Sidoo kale, magaalada Xudur waxaa laga sheegaya in boqolaal qoys ay ka barakaceen magaalada kadib roobabkii ugu dambeeyay ee da’ ay.

Maagalada Gaalkacyo waxaa la xaqiijiyay in dhowr qof ay ku geeriyoodeen roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay, iyada oo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas kadii bato.

Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee roobabka ka da’ya Gobollada kala duwan ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in Maamul Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay ka jirto dhibaato aad u adag kadib roobabkii xoogganaa ee ka da’ay maalmihii lasoo dhaafay.

Saalax Axmed Jaamac, waxa uu sheegay in dad ka badan 10 ay ku dhinteen daadadka iyo fatahaadaha ka dhashay roobka, iyada oo sidoo kale ay ku barakaceen kumanaan qoys, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay qaataan talooyiinka kasoo baxaya hay’adda dowladda u qaabilsan arrimaha masiibooyinka.

Dhanka dowlad Deegaanka Soomaalidana, Wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar ayaa gaaray magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeelle.

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa ah ukuur-gelida saameynta fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Ganaalle.

Madaxweynaha ayaa sida oo kale eegi doona inta uu dhanyahay khasaaraha soo gaadhay bulshada iyo sida ay usocdaan gurmadka deg-degga ah ee ay xukuumaddu ugu talo’gashay in la gaadhsiiyo bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here