Muqdisho (Dawan)- Tan iyo Markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis dhanka Badda ah 1-dii January, waxey Warbaahinta Caalamku billaawday in ay wax ka qorto saameynta uu ku yeelan karo xasiloonida Geeska Afrika, maadama ay Dowladda Somaaliya ka hor timid heshiiskaas, kuna tilmaamtay waxba kama jiraan.
Is-dhaafsiga Badda iyo Aqoonsiga
Wargeyska The Economist ee ka soo baxa dalka Ingiriiska iyo Wargeysyada Faransiiska ee Lacroix iyo Le Point ayaa aad u faaqiday kana qoray warbixino iftiiminaya Faa’iidada ay labada dhinac isku dhaasfanayaan heshiiska iyo saameynta uu yeelan doono Gobolka.
Itoobiya waxa ay heli doonta Deked ay baadi goob ugu jirtay muddo dheer kuna sigatay in ay dagaal u gasho, halka Somaliland ay heleyso aqoonsi ay uga baxeyso go’doomin ay ku jirtay in ka badan soddon sano.
Balse Warbaahinta Reer-galbeedku waxa ay dhinaca kale tilmaameen in uu heshiiskaan abuuray xiisad ka dhax qaraxda dalalka Geeska Afrika, kadib markii ay ka carootay Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu welwel geliyay Dowladaha Jabuuti iyo Eritrea.
The Economist, ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu guul diblomaasiyadeed ku tilmaamay heshiiskii uu la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ka dhabeeyey baadi goobkii Itoobiya ee dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay ay ku doonaysay inay si toos ah u gaarto Badda, iyada oo aan wax xoog ah loo adeegsan.
Abiy ayaa yiri, ” Anaga oo oofineyna ballantii aan ka qaadanay Shacabkeena, waxaan ka dhabeynay inaan gaarno Badda Cas. Niyadda nooguma jirto inaan cid qasabno”
Abiy Axmed waxa uu difaacay xaqa uu dalkiisu u leeyahay in uu helo Bad, xitaa haddii ay ku qaadato in ay ku helaan awood iyo faragelin sida ay warisay Lacroix.
La-taliyihiisa Amniga Qaranka, Ridwaan Xuseen ayaa yiri, “Itoobiya waxey ku yeelan doonta Badda Cas saldhig ciidan oo kira ah”
Madaxda Somaliland, waxa uu heshiiskaan uga dhigan yahay horumar ay ku gaareen baadi goob ay ugu jireen in la aqoonsado muddo soddon sano ah.
Somaliland waxa sidoo kale laga yaabaa inay saami ku yeelato diyaaradda Ethiopian Airlines oo ah diyaaradda ugu weyn Afrika.
Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.
In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.
Somaliland waxa ay rajaynaysaa in Afrika inteeda kale ay ku daydaan Itoobiya kadib marka ay aqoonsato, iyada oo ay ugu wacan tahay in Addis Ababa tahay xarunta Midowga Afrika iyo xiriirka adag ee Abiy Axmed kala dhaxeeya waddamada Khaliijka ee awoodda badan, gaar ahaan Imaaraadka Carabta oo ay diblomaasiyiinta qaarkood ku tuhmayaan in ay kaalin ku lahayd heshiiska.
Colaad ka qaraxda Geeska Afrika
Si kastaba ha ahaatee, sida uu qoray wargeyska Le Point, heshiiskaan kediska ah waxa uu halis u yahay in uu markale xiisad ka dhex huriyo Geeska Afrika, iyadoo Dowladda Soomaaliya oo aan wali aqoonsan madax bannaanida Somaliland, ay ku tiri, War-saxaafadeed ay soo saartay, “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya sida uu dhigayo dastuurka, sidaas darteed Soomaaliya waxa ay u aragtaa tallaabadaan xad gudub bareer ah oo ka dhan ah qaranimadeeda iyo midnimadeeda.”
Soomaaliya waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD, inay u istaagaan sidii ay u difaaci lahayeen qaranimadeeda, isla markaana ay Itoobiya ugu khasbi lahaayeen inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah.
Sida ay Le Point qortay, xitaa dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, oo Dowladda Soomaaliya kula jiray dagaal dhiig badan ku daaatay tan iyo 2007 ayaa dhalleeceeyay heshiiska iyo ajanadaha is ballaarinta ee Abiy Axmed.
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan wada xaajoodka Somaliland, Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ku tilmaamay heshiiska iska indha tirid cad oo lagu sameeyay qawaaniinta caalamiga ah iyo madax bannaanida Soomaaliya, isaga oo yiri ” waxa uu halis gelinya xasiloonida Gobolka”.
Sida ay aamisantahay Lacroix, heshiiskaan waxa uu horseedi karaa in ay wiiqanto xasiloonidii Gobolka oo dhan, gaar ahaan in ay carqalad soo wajahdo wada xaajoodkii u dhaxeyay Soomaaliya iyo Somaliland, kaas oo dhamaadkii bishii December la isla gartay in laga wada hadlo arrimaha masiiriga ah.
The Economist waxa ay warbixinteeda kusoo koobtay in heshiiskaan uu qalbi jab ku ridi doono Masar iyo Sucuudiga oo walaacsan qorshaha Imaaraadka ee Gobolka, sidoo kalena ay Jabuuti ku farxi doonin in ay lumiso lacagta ay ka hesho badeecadaha Itoobiya ay kasoo degsato Dekeddeeda.
Sida ay The Economist qabto Dowladda Ereteriya marna waa u farxad maadaama ay Itoobiya aysan isticmaalin awood si ay u hesho Bad marna waa arrin walwal xanbaarsan haddiiba ay saldhig ciidan ka sameysaneyso Badda Cas.
Wargeyska The Economist waxa uu ka digay in dhaqdhaqaaqa Itoobiya uu halis gelinayo xasiloonida Gobolka Geeska Afrika oo markii horeba qalqal ku jiray, balse waxay door biday in ay warbixinteeda ku soo gabagabayso hadal uu yiri diblomaasi Reer- galbeed ah, kaas oo micnihiisu ahaa “ In qofku ku noolaan karo caalamka marka uu yahay qof arxan laawa ah oo aan lahayn ka fiirsi” waana cashir uu fahmay Abiy Axmed mar hore sida ay sheegtay The Economist
Maxay Soomaaliya u diidaysaa in Itoobiya ay hesho Deked?
Kanaalka laga leeyahay Qatar ee Aljazeera oo warbixin dheer ka qoray heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa ciwaan uga dhigay qoraalkiisa, Maxay Soomaaliya u diideysa in Itoobiya ay hesho Deked?
Warbixinta ayaa su’aashaan uga jawaabtay dhowr qodob balse waxaa ugu muhiimsanaa in Soomaaliya ay aamisantahay in Somaliland weli tahay qeyb ka mid ah dhulkeeda, heshiiskana aan looso marin dariiq sax, in tillaabada ay Itoobiya ku heleyso Bad ay ka dhigantahay dhul ballaarsi iyo in ay gacanta ku dhigto ilaha dhaqaalaha ee Gobolka.
Warbixntu waxa ay intaas ku dartay in heshiisku kusoo beegmay hal maalin uu ka dib markii ay Soomaaliya iyo Somaliland ku heshiiyeen in arrimaha masiiriga ah laga wada xaajoodo si loo soo afjaro khilaafka dhaxdooda ah.
Warbixin ay BBC-du ka diyaarisay arrintaan ayaa dhinac kale iftiimisay iyada oo ka baxday xudduuda Geeska Afrika, waxeyna daaha ka rogtay in Shiinuhu ku eegayo heshiiska il gooni ah maadaama ay Somaliland la leedahay xiriir hoose Taiwan oo iyaduna aqoonsi raadis ah.
Dhanka kale, warbxiin ay Wakaaldda Wararka Anadolu ka qortay heshiiska ayay ciwaan uga dhigtay ” Dekedda Berbera waa xudunta khilaafaad ku salleysan juguraafiga iyo dhaqaalaha Gobolka” waxaana suurta gal ah in ay khasaaro lacgeed u keento Jabuuti oo sannadkii ka hesha Itoobiya lacag gaareysa 1.5 bilyan oo dollar.
Si kastaba ha ahaate, Dowladda Soomaaliya ayaa taageero xoogan ka heshay Ururada Caalamiga ah iyo Dowladaha saaxibka la ah kuwaas oo caddeeyay in madax bannaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan, si looga fogaado colaad xilligaan ka dillaacda Gobolka Geeska Afrika.