Saturday, July 27, 2024

Warbaahinta Russia & China oo ku maadeystay fashilka gantaalka Trident ee UK

London (Dawan)- Warbaahinta laga leeyahay dalalka Ruusha iyo Shiinaha ayaa billaabay in ay ku maadeystaan ciidanka Badda ee Britain kadib markii ay ku fashilmeen tijaabada gantaalka Trident.

Wasiirka Difaaca Britain, Grant Shapps ayaa ka mid ahaa dadkii saarnaa markabka HMS Vanguard markii la sameynayay tijaabada gantaalka ee fashilantay bishii hore.

TV-ga Russia One ayaa si jees-jees ah u yiri “Ma jirto cid wax ku noqotay marka laga reebo sumcadda ciidamada badda ee Boqortooyada Britain ”.

Olga Skabeyeva, oo ah daadihiyaha barnaamijka 60-daqiiqo ee TV-ga ugu muhiimsan Ruushka ayaa tiri “Tijaabadii ciidamada badda ee Boqortooyadii awood badnaa jirtay oo aan hadda ugu yeerno Boqortooyada yar, waa ay guul darreysatay.”

Alexander Kots, oo ah wariyaha dagaalka ee wargayska Komsomolskaya Pravda ee ka soo baxa Ruushka, ayaa sheegay in dhacdadani ay xaqiijinayso mar kale in Boqortooyadii Britain ay ugu dambeyntii lumisay kaalintii ay ku leheed awoodda dhanka ciidamada badda.

Dhanka Shiinaha, Wakaaladda Wararka Xinhua ayaa daabacday maqaal ay ciwaan uga dhigtay “Tijaabadii fashilantay ee ay sameeyeen ciidamada badda ee Ingiriiska: gantaal ayaa ku dhacay badda taasoo keentay dhibaato, gujis Nukliyeer ah ayaa heehaabaya biyaha hoostooda”.

Wargeyska ay leedahay Dowladda Shiinaha ee Global Times, ayaa ka qoray dhacdadaan warbixin, taas uu ciwaan uga dhigay “Shil laga xishoodo! Tijaabadii gantaallada Trident 2 ee laga tuuray markabka Royal Navy ayaa markii labaad oo xiriir ah guul darreysatay.”

Warbixinta wargeyska Shiinaha ayaa tilmaamtay in ay jiraan guul darrooyin kale oo hore ula soo dersay gantaalka Trident oo ay ka mid tahay markii uu si lama filaan ah ugu tuurmay dhanka Mareykanka bishii June 2016.

Warbaahinta Turkiga ayaa dhankeeda kasoo gashay weerarka warbaahinta ee lagu qaaday Britain, iyada oo wargeyska ka ag dhaw xukuumadda Turkiga ee Aksam uu ku daabcay boggiisa website-ka qormo uu ciwaan uga dhigay “Boqortooyada Ingiriiska waxay ku sigatay inay toogto wasiirkeeda.”

Wargeyska kale ee Milliyet ayaa sheegay in intii lagu jiray tijaabada gantaalku ay sababtay in Wasiirka Difaaca Ingiriiska uu si dirqi ah uga badbaado dhimasho.

Mas’uuliyiinta UK iyo warbixinada warbaahinta dalkaas ma aysan soo hadal qaadin in Shapps ay wax dhibaato ah soo gaartay gabi ahaanba.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here