MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in laga baxo 14 iskuul oo ku yaal gobolka Banaadir, kuwaas oo hadda loo isticmaalo hoy ku meel gaar ah, si dib loogu hawlgeliyo iskunauladaasi oo loo rogo goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Waxbarashada, Xasan Maxamed Cali (Taata), ayaa maanta sheegay in iskuuladaasi ay yihiin hanti dowladeed oo hadda loo isticmaalayo sidii hoy, isla markaana aysan u shaqeyn sidii goobo waxbarasho.
Liiska iskuulada waxaa ku jira kuwo caanka ah sida Jeneraal Daauud oo ku yaalla degmada Yaaqshiid, Iskuulka Maxamuud Axmed Cali oo ku yaalla degmada Kaaraan, iyo Iskuulka 14 Feeberaayo.
“Iskuuladaas 14-ka ah waxaan rabnaa dadka hadda jooga inay ka baxaan, kharashka lagu dhisay waa la hayaa, waana diyaar, waxaan u sheegaynaa inay isu diyaariyaan in laga baxo si iskuulada dib loogu dhiso oo Sebtembar looga faa’iideysto,” ayuu yiri Xasan Maxamed Cali.
Wuxuu sheegay in qorshuhu yahay in iskuuladaasi dib loo hawlgeliyo bisha Sebtembar, si carruurta loogu oggolaado inay wax ku bartaan iskunauladaasi oo noqdaa kuwo lacag la’aan ah, gaar ahaan kuwa aan awoodin inay wax ku bartaan iskuulada gaarka loo leeyahay.
Xoghayaha ayaa intaa ku daray in dowladda ay ka go’an tahay soo celinta waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoo la siinayo macalimiin tayo leh iyo maamul wanaagsan iskuulada.
Sidoo kale, Xasan Taata ayaa sheegay in hadda gobolka Banaadir uu ka kooban yahay ku dhawaad 40 ilaa 42 iskuul oo lacag la’aan ah, uuna qorshuhu yahay in adeeggan lagu ballaariyo gobollada kale ee dalka.