Laasacaanood(Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa maanta si rasmi ah u furay shirweynaha lagu dhameystirayo Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo, kaasoo ka furmay magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool.
Shirkaaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda sare ee maamulka SSC-Khaatumo, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Federaalka, isimmo dhaqameed, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, iyo ergooyin ka kala yimid gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Wasiir Xoosh oo khudbad furitaan ah ka jeediyay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u taageersan tahay dhismaha maamul goboleed rasmi ah oo ka dhisan SSC, isagoo yiri:
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u aaminsan tahay in nabadda waarta iyo horumarka gobollada SSC lagu heli karo oo keliya marka la helo dowlad-goboleed dhameystiran oo si rasmi ah uga mid noqda nidaamka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa isna xusay in shirkan uu yahay mid lagu mideynayo dadaallada dhismaha maamul u matala dadka deegaanka, gaar ahaan ku saabsan isku dhafka maamullada SSC-Khaatumo iyo Maakhir.
“Maanta waxaan halkan u fadhinaa furitaanka shirweynihii lagu dhameystirayay Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo, si ay ugu midoobaan Khaatumo iyo Maakhir. Tani waxay wax ka beddeli doontaa hanaanka siyaasadeed, amniga iyo horumarka dhaqaale ee guud ahaan gobolka,” ayuu yiri Firdhiye.
Shirka ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan walaacyo la xiriira kalsoonida siyaasadeed ee u dhaxeysa hoggaanka SSC, beelaha deegaanka, iyo musharraxiinta doonaya inay door ka ciyaaraan hoggaanka cusub ee la dhisayo.
Si kastaba ha ahaatee, guusha shirkaan oo baryahay soo socda sii furnaan doona ayaa waxa ay si weyn ugu xirnaan doonaa sida loo maareeyo khilaafaadka gudaha iyo hubinta in dhammaan dhinacyada deegaanka ay helaan matalaad.