Friday, April 25, 2025
Array

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq oo Yimid Muqdisho

Muqdisho, 24 Abriil 2025 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Abdul Amir Al-Shammari, ayaa shalay booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ka hor inta uusan madaxweynaha u safrin dalka Uganda. Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli labada dal ay sii xoojinayaan xiriiradooda.

Wasiir Al-Shammari ayaa kulanka kadib Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wareejiyay warqad casuumad ah oo uu ka waday Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, taas oo madaxweynaha Soomaaliya loogu casuumay in uu ka qayb galo shirweynaha Jaamacadda Carabta ee sannadkan, kaasoo lagu qaban doono magaalada Baqdaad ee Ciraaq bisha May.

Mdaxweynaha Soomaaliyaayaa marki ugu danbeysay uu ka qeyb galay shirka jaamacadda Carabta ee ka dhacay Riyaadh caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya 12 noverber ee 2023, kula kulmay wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha dalka Ciraaaq Mudane Abdul Latif Rashid oo ka qeyb-galay shirka.

Labada hogaamiye ayaa ka wada-hadlay is-dhaafsiga khibradaha iyo xirfadaha la xiriira dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka dagaalama labada dal, iskaashiga amniga iyo danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeya Labada dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here