Laascaano– Somalia_ Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladda ka dhalatay booqashada Xamse Cabdi Barre oo uu doonayo inuu ku tago magaalada Laas-caano.
Wasiirka ayaa sheegay in haddii ay shaki ka qabaan amniga deegaanada SSC aysan cidna martiqaadi laheen, balse ay taabadalkeeda ku filanyihiin in damaana qaadaan amniga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.
“Haddii aanu shimbiro kabaqayno, hadhuudh maanu beeraneyn” ayuu yiri wasiirka warfaafinta SSC-Khaatuma
Geesta kale, wasiirku wuxuu shacabka SSC-Khaatumo ogeysiiyay in maalmaha soo aadan, Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu imaan doono magaalada Laas-caano, shacabkana looga baahanyahay inay ilaaliyaan amniga deegaanadooda.
Ugu dambeyntii, wasiirka Warfaafinta SSC ayaa Somaliland uga digay inay ka waantoobaan hurinta colaad mar labaad deegaanadaas ka dhacda.
Si kastaba ha ahaatee, safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee magaalada Laas-caano ayaa dhaliyay xiisad siyaasadeed, iyadoo Somaliland ay shalay sheegtay in safarkaasi yahay mid looga danleeyahay colaad hurin iyadoo sheegtay in xeelad iyo xoogba ay uga ka hortagaan safarkaas.