Istanbul (Dawan) – Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulkadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux, ayaa ka qeybgalaya Shirka Xiriirka Gaadiidka Caalamka (ITF) ee ka furmay magaalada Istanbul, dalka Turkiga. Shirka, oo bilaabmay maanta oo 27-ka Juun 2025 ah , ayaa socon doona saddex maalmood, waxaana ka qeybgalaya wakiillo ka socda in ka badan 150 waddan oo ka tirsan toddobaad qaaradood ee dinada in ka badan 50 wasiir .
Mawduuca shirka ee “Xiriir Aan Xadidnayn, Fursado Aan Xadidnayn” ayaa muujinaya muhiimadda xiriirka gaadiidka caalamiga ah ee dunida maanta si dhaqso ah isu beddelaysa. Shirkani wuxuu u yahay madal ay ku kulmaan madaxda adduunka, wasiirrada gaadiidka, hay’adaha caalamiga ah, iyo daneeyayaasha warshadaha gaadiidka si ay uga wada hadlaan mustaqbalka gaadiidka iyo saadka, iyadoo xoogga la saarayo hagaajinta xiriirka iyo xallinta caqabadaha ka hor istaagaya ganacsiga caalamiga ah.
Inta lagu jiro shirka, doodaha ayaa diiradda lagu saari doonaa mowduucyo badan oo ay ka mid yihiin mustaqbalka xiriirka gaadiidka ee dunida kala qaybsan, xeeladaha lagu furi karo fursadaha xiriirka gaadiidka ee Afrika, iyo doorka dijitaleynta ee xallinta culeysyada ku jira wadooyinka gaadiidka.
Mowduucyada Muhiimka ah ee Shirkaan ayaa ah:
- Furitaanka Fursadaha Xiriirka Afrika
- Xiriirka Gaadiidka ee Bariga Dhexe iyo Aasiyada Dhexe
- Wadooyinka Gaadiidka Casriga ah ee leh Kaabayaasha Adag
Shirkan heerka sare ee Istanbul ayaa laga yaabaa inuu xoojiyo xiriirka Soomaaliya la leedahay ka qeebgalayaasha caalamiga ah ee muhiimka ah wuxuuna kaalin weyn ka qaadan karaa qaabeynta mustaqbalka gaadiidka caalamiga ah .