Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in laba nabadoon ay ku geeriyoodeen weerar shalay ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Hotel Qaahira ee magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarkan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegay inuu ku bilaawday qarax, kaddibna ay kooxo hubeysan weerareen hotelka, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji, oo qoraal soo dhigay baraha bulshada, ayaa cambaareeyay weerarkan wuxuushnimada ah, isagoo tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay. Wasiirku wuxuu Alle uga baryay intii geeriyootay naxariista jannada, halka uu dhaawacyada u rajeeyay caafimaad degdeg ah.
“Waxaan cambaareynayaa weerarka wuxuushnimada ah ee kooxda arxanka daran ee Khawaarijta ah ku qaadeen Hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne. Waxaan naxariista Janno Alle u waydiinayaa intii ku geeryootay weerarkan fulaynimada ah,“ ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka Caafimaadka ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada Nabadoon Aadan Raaxa Jecel iyo Nabadoon Mohamed Osman Farah (Ileyna), oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarkan.
Sida wararku sheegayaan, Hotel Qaahira waxaa degganaa odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan, kuwaas oo abaabulayay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ee galbeedka gobolka Hiiraan, hase yeeshee, ma jiro war rasmi ah oo ay dowladda ama maamulka Hirshabelle ka soo saareen weerarka.
Beledweyne oo Bartilmaameed u Ah Weerarada Al-Shabaab
Magaalada Beledweyne waxay horay u martay weerarro iyo qaraxyo ay fuliyeen Al-Shabaab, waxaana kamid ah:
- Juun 30, 2024 – Qarax ka dhacay meel u dhow saldhigga ATMIS, kaasoo dilay ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan askar.
- Sebtember 23, 2023 – Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne, laguna dilay ugu yaraan 20 qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
- Oktoobar 03, 2022 – Saddex qarax oo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada, kuwaas oo sababay khasaare baaxad leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu dhawaaqday dagaal ballaaran oo lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo gobolka Shabeellaha Dhexe uu noqday goob dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda, kuwa deegaanka ee Macawiisley, iyo Al-Shabaab. Dowladda ayaa dhawaan shaacisay in dagaalka uu sii xoogeysan doono, iyadoo weeraro cirka ah lagu qaadi doono goobaha ay kooxdaasi ku sugan tahay.