Saturday, July 27, 2024

Xamsa oo Nairobi kula kulmay Ergayga Mareykanka ee Geeska Afrika

Nairobi (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Mike Hammer, oo booqasho kuu maraya maalmahaan qaar ka mid ah wadamada Geeska Afrika.

Labada dhinac ayaa la isla soo qaaday xoojinta xiriirka iyo iskaashi ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada ay dowladda Mareykanku siiso Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga Gaarka ah ayaa kulanka diiradda ku saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo xoojinta taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Mareykanku ku taageero Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga , la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah iyo xasilloonida guud ee Gobolka” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, iyo midnimada dadka iyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hore u sheegtay in Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Mike Hammer uu booqan doono qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika, isaga oo la kulmi doona madaxdad dalalkaas, mas’uuliyiinta Midowga Afrika iyo maamulka ku meel gaarka ah ee Tigray.

Ujeedka booqashada Hammer waxaa ugu weyn in la dardargeliyo hirgelinta heshiiskii Pretoria ee joojinta colaadaha Itoobiya iyo in khilaafka hadda taagan lagu xalliyo wada hadal siyaasadeed si looga fogaado soo noqoshada dagaal cusub.

Waxaa xusid mudan in Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Mike Hammer in uu boqasho nuucaan ah ku yimid Geeska Afrika laba jeer sannadkii 2023-kii isaga oo kulamo looga hadlaayay inta badan xasiloonada gobalka la yeeshay madaxdii uu la kulmay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here