Thursday, September 19, 2024

Xasan oo Wargaadhi u tagay dardargelinta dagaalka AS

Sh/ Dhexe (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah gaaray deegaanka Waragaadhi oo ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo qiyaastii 120-KM dhanka Bari kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya waxa ay ujeeda booqashada Madaxweynaha ku sheegtay dardargelinta howlgallada dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Madaxweynuhu waxa uu warixino la xiriirka arrimaha dagaalka iyo qorshaha xiga ka dhagaystay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Waragaadhi.

Sawirrada ay baahisay warbaahinta dowaldda ayaa muujinaya Madaxweynaha oo ku labisan dharka ciidamada, isagoo ka soo degay diyaarad Helicopter ah, ka dibna la kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, iyada oo ay goob joog yihiin Wasiirka Difaaca, Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidamada , Ibraahim Sh. Muxyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta, Dayax Cabdi Cabdulle.

Booqashada Madaxweyne Xasan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweynuhu uu dhagax dhigi doono garoon diyaaradeed oo cusub oo laga hirgelin doono agagaarka degmada Warksheekh ama deegaanka Wargaadhi midkood, inkasta oo aysan xaqiijin mas’uliyiinta Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ayaa hakad ku yimid waayihii u dambeeyay, waxaana soo baxayay warar sheegaya inuu wadahadal u billaaban doono dowladda iyo Al-shabaab inskata oo ay dowladdu caddeysay inaysan hadda jirin wax wada hadal ah oo u socda laba dhinac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here