Soomaaliya iyo Uganda ayaa si wada jir ah u codsaday taageero maaliyadeed oo dheeri ah oo loogu talagalay Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo soo dhaweeyay kulanka wadamada AUSSOM ee dhici doona dhamaadka bishaan.
Kadib kulan rasmi ah oo ay ku yeesheen Aqalka Madaxtooyada Nakasero ee Kampala, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, kaasoo qeexaya qodobadii kulanka looga hadlay.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, oo ay ka mid yihiin dib u eegista heshiiskii iskaashiga difaaca ee labada dal, xoojinta isdhexgalka gobolka iyada oo loo marayo Urur-Goboleedyada EAC, IGAD iyo Midowga Afrika, iyo sidoo kale baaqyo taageero loogu fidinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Sidoo kale, nuqulka kasoo baxay kulanka labada madaxweyne ayaa lagu sheegay in ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay taageeridda dhaqangelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo dhisidda awoodda Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Labada Madaxweyne waxay soo dhaweeyeen bilaabista Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyagoo ugu baaqeen beesha caalamka in ay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada Ammaanka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, labada Madaxweyne waxay soo dhaweeyeen kulanka soo socda ee dalalka ciidamadoodu ku sugan yihiin Soomaaliya ee qeybta ka ah AUSSOM, kaas oo dhici doona dhammaadka bisha Abriil, laguna falanqeyn doono qorshayaasha howlgalka oo ay wadajir uga tashanayaan Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.
Soomaaliya iyo Uganda ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo adag, iyadoo labada dal ay kala saxiixdeen, sanadkii hore heshiiska iskaashiga cusub ee dhinaca difaaca.
Uganda ayaa ah dalka ugu tirada badan ee ciidamo u jooga Soomaaliya iyada oo qeyb ka ah AUSSOM, waxaana dalka ku sugan 4,500 oo askari oo Ugandese ah. Uganda waxay sidoo kale ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo geysa Soomaaliya markii Qaramada Midoobay ansixisay hawlgalka AMISOM sannadkii 2007.