Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 18 March 2025 safar ku tegay furimaha dagaalka ee Hirshabelle, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay xaaladda ciidamada iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha oo la sheegay in uu ku hubeysnaa bistoolad, ayaa gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida, iyo saraakiil kale oo muddooyinkii dambe ku sugnaa furimaha dagaalka.
Ujeedka Safarka Madaxweynaha
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay in uu yahay “u kuurgelidda xaaladda ciidamada qaranka iyo xoogagga macawiisleyda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.”
“Madaxweynaha ayaa u kuur-geli doona xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda. Wuxuu warbixinno ka dhegeysan doonaa talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay jab weyn gaarsiiyay cadowga shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada.
Safarka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya iyadoo Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kadib booqashadiisa Aadan Yabaal, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u gudbay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, oo kamid ah deegaannadii dowladda Soomaaliya kala wareegtay kooxda Al-Shabaab laba sano ka hor.
Booqashadan ma ahan tii ugu horreysay ee uu madaxweynuhu ku tago Aadan Yabaal. Sanad iyo lix bilood ka hor, 6-dii Sebtembar 2023, ayuu safar ku tegay isla degmadaas, si uu u dhiirrigeliyo ciidamada dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.