Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh oo ka degay Asmara xilli uu Gobalku galay xiisad cusub

Asmara (Dawan)- Sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Asmara, halkaas oo ay kaga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta laba maalmood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Asmara waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay dhiggiisa Eritrea. Isaias Afwerki.
Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal dan u ah, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxaay Wasaaradda Warfaafinta ee Eritrea oo lagu daabcay barta “X”.

Booqashada Xasan iyo xiisadda cusub ee Gobolka

Booqashada Xasan ee Eritrea ayaa kusoo aadeysa iyada oo ay jirto xiisadda ka dhalatay heshiiskii Badda ee Itoobiya iyo Somaliland, waxaana la filaya in labada Madaxweyne isku soo qaadi doonaan arrintaan kusoo korortay Gobolka Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal diblomaasiyadeed ku bixisay maalmihii lasoo dhaafay sidii Caalamku uga hor imaan lahaa heshiiskii Dowladda Itoobiya iyo Somalilnad ay ku kala saxiixdeen Magaalada Addis Abba 1-dii bihaan January.

Madaxweyne Xasan ayaa bishii October ee lasoo dhaafay booqasho ku tegay Eritrea oo ay ku tababartaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Soomaaliya, waana markii shanaad ee uu booqdo Asmara tan iyo markii dib loo doortay 15 May 2022.

Marxaladda cusub ee xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Cumar Idiris, 17-kii bishii November ee lasoo dhaafay, isaga oo noqday Safiirkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya u dirto Asmara.

 Magacaabista Safiir Cumar Idiris ayaa  muujisay marxalad taariikhi ah oo ku aaddan muuqaalka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Wadashaqeynta u dhaxeysay Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku koobaneed xiriir diblomaasiyadeed, inaksta oo ay Eritrea ay door muhiim ah ka ciyaareesay tababaridda Ciidamada Soomaaliya, seddexdi sanoo ee lasoo dhaafay, taas oo keentay in ay ka qalin jabiyaan xarumaheeda tababar in ka badan 5, 000 oo askari oo Soomaali ah kuwaas oo isuga jira dhinacyada kala duwan ee Ciidanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here