Saturday, April 19, 2025

Xeebaha Soomaaliya oo laga digay

Muqdisho, Soomaaliya – Xeebaha Soomaaliya ayaa weli ka mid ah meelaha ugu halista badan ee burcad-badeeddu ka hawlgasho, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray Xafiiska Badaha Caalamiga ah (IMB).

Warbixinta, oo la shaaciyay shalay , ayaa daaha ka qaaday in intii u dhaxeysay 7-da Febraayo iyo 16-ka Maarso ee sannadkan la afduubay labo markab kalluumaysi ah iyo dooni (dhow), iyada oo 26 shaqaale ah la qafaashay.

IMB ayaa tilmaantay in dhacdooyinkan ay tusaale u yihiin halista sii kordheysa ee burcad-badeednimada Soomaaliya, taasoo weli khatar ku ah marin-biyoodka muhiimka ah ee Geeska Afrika.

Warbixintu waxay sidoo kale muujisay koror ku dhow 35% marka la barbar dhigo dhacdooyinka sanadkii hore, iyadoo la diiwaangeliyay 45 weerar oo ah burcad-badeednimo iyo tuugo hubeysan oo ka dhacay badaha inta u dhaxeysa Janaayo iyo Maarso 2025.

“IMB waxay ku talineysaa in dhammaan maraakiibta maraya biyahaas ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, una hoggaansamaan tilmaamaha cusub ee amniga badda,” ayaa lagu yiri warbixinta.

In kasta oo IMB ay xaqiijisay in dhammaan shaqaalihii iyo maraakiibtii la afduubay la sii daayay, haddana waxay hoosta ka xariiqday in weeraradan ay muujinayaan baahida loo qabo tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo khataraha mustaqbalka.

Hay’addu waxay ugu baaqday dhammaan shirkadaha iyo maraakiibta inay si degdeg ah u soo sheegaan wax kasta oo la xiriira falal burcad-badeednimo si loola tacaalo xaaladaha amni ee sii cakirmaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here