Qaahira (Dawan)- Dowladda Masar ayaa warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo oo ay uga soo horjeedo dhamaystirka biya-xireenka wabiga Nile, iyada oo ka cabsi qabta inuu saamayn ku yeesho saamiga biyaha ay ka helaan wabiga.
Dhowr jeer oo ay dowladaha Masar, Itoobiya iyo Suudaan ay ka shireen xallinta khilaafka biya-xireenka ayaa fashil kusoo dhamaaday.
Biyo-xireenkaan ayaa laga sameeyay Blue Nile-ka gaar ahaan Gobolka Benishangul-Gumuz, oo qiyaastii 30 km u jira xudduudda Suudaan.
Dhererka Biya-xireenka ayaa lagu sheegay 1.8 km, halka joogisu gaarayo 145 mitir.
Bishii Febraayo 2022, Itoobiya ayaa si rasmi ah u billaawday inay koronto kasoo saarto Biya- xireenkaan oo ay ku baxday lacag gaareysa afar bilyan oo doolar.