Muqdisho, 3 May 2025 – Xildhibaano ka koobnan 24 oo dib loogu fasaxay fadhiyada golaha ka dib 3 maalin markii uu soo baxay ganaaxooda, bal malaga maarmi waayay?
Warqad ka soo baxday xafiiska Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Cumar Abshir ayaa maanta lagu fasaxay xildhibaanno horay looga mamnuucay fadhiyada golaha, kadib markii la tixgeliyey talo-soojeedin iyo dareen gaar ah oo ay muujiyeen xubno ka tirsan Golaha.
Xildhibaannadan ayaa 30-kii Abriil 2025 waxaa ka mamnuucay ka qeybgalka fadhiyada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen rabshad gacan-ka-hadal ah oo ka dhacday gudaha xarunta baarlamaanka.
Warqaddii hore ee ganaaxa lagu shaaciyey ayaa lagu xusay in xildhibaannadaasi ay jebiyeen qodobbada 14aad, 16aad iyo 28aad ee xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, kuwaasoo la xiriira hab-dhaqanka iyo anshaxa xildhibaanada.
Inkastoo aysan weli la caddeyn sababta rasmiga ah ee dib-u-fasaxa maanta, haddana tallaabadan ayaa timid iyadoo maanta uu baaqday kulankii Golaha Shacabka ee lagu waday inuu qabsoomo. Ma jiro faahfaahin rasmi ah oo la xiriirta baaqashada, hase yeeshee dhowr jeer oo hore ayaa kulamo u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo xiisad siyaasadeed ay wali ka taagan tahay gudaha baarlamaanka, taasoo salka ku haysa mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Golaha, ka dib khilaaf ka dhashay xil ka xayuubintii Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib.