Saturday, December 21, 2024

Xogta laga hayo markab lagu afduubatay Xeebaha Puntland

Boosaaso (Dawan)- Waxaa la xaqiijiyay in marakab laga leeyahay Shiinaha oo ku socday biyaha Soomaaliya laga qafaashay xeebaha waqooyi bari, iyadoo la sheegay inay saarnaayeen 18 shaqaale. Dhacdadaan waxay dhacday dhamaadka toddobaadkii hore, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo la hadlay wakaaladda wararka AP

Mas’uul ka tirsam maamulka degmada Xaafuun ayaa sheegay in dadka qafaashay marakabka ay ka mid ahaayeen ilaaliyeyaashii markabka kuwaas oo markii dambe ku biiray kooxo hubeysan oo ka yimid deegaannada xeebaha.

Ciidamada Midowga Yurub ee u xilsaan la dagaallanka burcad-badeedda, ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan dhacdadan, iyadoo la xaqiijiyay in baaritaannada lagu ogaaday in marakabku gacanta u galay koox hubeysan. War-saxaafadeedka waxaa lagu caddeeyay in dhammaan shaqaalaha saaran markabka ee gaaraya 18 qof, inay nabad qabaan oo aysan la kulmin wax dhibaato ah.

Marakabka ayaa ka shaqaynayay biyaha Soomaaliya waxa uuna shati ka haystay Dowlad Goboleekda Puntland. Markabka ayaa markii hore la geeyay Jiifle, oo ka tirsan gobolka Nugaal. Hase yeeshee, waxaa la sheegay in markii dambe loo kaxeeyay dhinaca degmada Eyl.

Sida ilo xog ogaal ah, u sheegaan AP, kooxaha qafaashay ayaa markii hore dalbaday lacag madax furasho ah oo gaaraysa $5 milyan, iyaga oo diiday $1 milyan . Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan.

Dhacdadani waxay muujineysaa dhibaatada ka jirta amniga badda ee Soomaaliya, in kasta oo howlgallada burcad-badeedku hoos u dhacay sanadihii ugu dambeeyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here