Friday, July 18, 2025

Gudiga Tacliinta Sare oo La Aasaasay si Loo Xakameeyo Jaamacadaha Dalka

Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, Guddigaan golaha wasiiraada waxaa u soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

ansixintaaan ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u aasaastay Gole Qaran oo loogu talagalay tayeynta iyo kormeerka waxbarashada sare, kaas oo si toos ah uga howlgali doona hirgelinta heerarka tacliinta sare, ansixinta manhajyada jaamacadaha, iyo bixinta ama la-laabashada ruqsadaha machadyada tacliinta sare ee dalka.

Golahaan cusub oo ka kooban 15 xubnood ayaa leh awood buuxda oo uu ku maamulo jaamacadaha dalka – kuwa dowladeed iyo kuwa gaar ahba – wuxuuna si madax-bannaan uga shaqeyn doonaa go’aamada farsamo, inkastoo uu hoos tagayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Sida ku cad Qodobka 19aad ee Sharciga Waxbarashada Sare, Golaha wuxuu leeyahay mas’uuliyado muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Dejinta heerarka tayada iyo shuruudaha aqoonsiga jaamacadaha.
  • Kormeerka hay’adaha waxbarashada sare iyo barnaamijyadooda tacliimeed.
  • Ansixinta ama diidmada ruqsadaha machadyada
  • Dhiirrigelinta isdhexgalka jaamacadaha iyo suuqyada shaqada.
  • Fududeynta aqoonsiga shahaadooyinka gudaha iyo dibadda laga keenay.
  • Kaydinta xog ururin qaran oo rasmi ah oo ku saabsan dhammaan jaamacadaha iyo barnaamijyadooda la aqoonsan yahay.

Sidoo kale, Qodobka 20aad ilaa 22aad ee isla sharcigan ayaa u oggolaanaya Golaha inuu soo saaro xeerar waajib ah,sameeyo qiimeyn joogto ah, iyo inuu maamulo miisaaniyaddiisa – taasoo ka imaan karta miisaaniyadda qaran iyo deeqaha hay’adaha taageera.

Shuruudaha Xubnaha Golaha

Sharcigu wuxuu dhigaya in 30% xubnaha Golaha ay yihiin haween, balse hada keliya waxaa gudiga katirsan laba haween ah oo keliya.

sharciga sidoo kale waxa uu dhigayaa in xubin kasta uu haystaa shahaado PhD (darajo sare ee tacliinta) oo ay weheliso ugu yaraan 10 sano oo khibrad ah oo la xiriirta waxbarashada, cilmi-baarista ama hogaaminta tacliinta sare. Mudada xil haynta Golaha waa shan sano oo hal mar la cusbooneysiin karo.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa tallaabadan ku tilmaantay “horumar qaran oo lagu soo celinayo sumcadda iyo isku-duubnida” waxbarashada sare ee dalka. Golaha waxaa laga sugayaa inuu wax ka qabto cabashooyinka sii kordhaya ee ku aaddan jaamacadaha gaar ah ee aan la xakameyn, heerarka tacliimeed ee kala duwan, iyo kororka shahaadooyinka aan la aqoonsaneyn.

Sanadihii u dambeeyey, waxaa dalka ka furmayay jaamacado badan oo aan laheyn nidaam mideysan, taas oo keentay baahi weyn oo loo qabo hay’ad tayo ilaalin ah,Golaha cusub wuxuu sidoo kale ka shaqeyn doonaa fududeynta isku socodka tacliimeed ee ardayda, dhiirrigelinta iskaashiga cilmi-baarista, iyo kobcinta aqoonsiga shahaadooyinka heer caalami ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here