Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay laba xubnood oo sheegtay in ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish, kuwaas oo sida la sheegay si iskood ah isugu soo dhiibay hay’adaha ammaanka.
War rasmi ah oo ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in labada nin ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Itoobiya, islamarkaana ay ka mid ahaayeen dagaalamayaasha ku sugnaa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo kooxda Daacish ay saldhigyo ciidan ku lahayd.
Afhayeenka howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish General Faadhigo ayaa sheegay in labada nin ay qeyb ka ahaayeen illaa 300 dagaalyahan oo horey uga howlgalayey buuraleyda gobolka Bari, kuwaas oo hadda ay ka hareen kaliya 40 qof oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib.
“Raggu waxa ay wateen sahaydooda, waxayna u egyihiin rag soo ambabaxay in ay yihiin, waana la baari doonaa haddii ay yihiin rag sahmin u soo baxay iyo in ay yihiin rag toos isku soo dhiibay,” ayuu yiri Afhayeenka howlgalka.
Sidoo kale, Puntland waxa ay sheegtay in labadan nin aysan ahayn kuwii ugu horreeyay ee isa soo dhiiba, balse ay jiraan xubno kale oo ku sugan buuraleyda kuwaas oo doonaya in ay ka soo baxaan kooxda, hase yeeshee ay la’yihiin marin ammaan ah oo ay ku yimaadaan.
Afhayeenka ayaa xusay in duruufaha nololeed ee adag iyo cadaadiska ciidan ee socda ay sabab u yihiin isa soo dhiibista xubnaha ka tirsan kooxda Daacish ee ka howlgala deegaannada Puntland.