Sunday, September 8, 2024

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu xukumay dil toogasho

Gaalkacyo (Dawan)- Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa ku raacday xukunkii ay Maxkamadda Darajada koowaad ku riday 22-kii bishii May ee sanadkan Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) oo ahaa dil toogasho.

Labadaan nin oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo eedeeyay in ay ka geysteen magaalada Gaalkacyo dilal kala duwan.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) lagu eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Laamaha amniga ayaa gacanta kusoo dhigay labadaan nin 17-kii bishii April ee sannadkan, waxaana loosii gudbiyay laamaha Garsoorka.

Maxkamadda ciidamada ee Darjada koowaad ayaa dil toogasho ku xukuntay labadooda 20-kii bishii May ee sannadkaan balse Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa ka qaatay racfaan xukunkii lagu riday.

Janaraal Liibaan Cali Yaroow, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay in Maxkamddu go’aansatay in ay taageerto xukunkii hore ugu dhacay labada eedeysane ee ahaa dil toogasho kadib markii la eegay dhammaan caddeeymaha la horkeenay Maxkamadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here