Saturday, July 27, 2024

Guddoonka Baarlamaanka Punland oo la doortay

Garoowe (Dawan)- 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta doortay Guddoonka hoggamin doona shanta sano ee soo socota.

Xilka Guddoomiyaha oo ay u taagnaayeen afar musharrax, waxaa wareega koowaad ee doorashada ka galay kaalinta koowaad Cabadirisaaq Axmed Siciiid oo helay 37 cod.

Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Baarlamaanka Puntland, Xasan Cabdalla Xasan ayaa ku dhawaaqay in Cabdirisaaq Axmed Siciid Faarax uu ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka kadib markii ay tartamayaashi kale isaga tanaasuleen in ay galaan wareega kale.

Doorasahda Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa la filayay in ay aad u adkaato balse ma dhciin taas oo waxaa markii ugu horeysay lagu kala baxay wareegga koowaad.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa loogu hamblayeeyay Guddoonka cusub ee la doortay, iyada oo loo rajeeyay in Alle u fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday oo ay ugu soo horeyso diyaarinta iyo qabashada doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, ” Guddoonka cusub ee Golaha Wakiilladu wuxuu Astaan u yahay Dimuqraadiyadda Puntland oo guuleysatay, maadaama Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ahaa Guddoomiyihii Guddigii Ku meel gaarka aheyd ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) kuwaasi oo ku guuleystay qabashada Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka Puntland”

8-da bishaan January ayaa lagu wadaa in la doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul Goboleedka Puntland iyada oo ay u taaganyihiin dhowr musharrax uu ku jiro Madaxweynaha hadda xilku kasii dhamaanayo, Siciid Cabdullaahi Deni.

Bilihi lasoo dhaafay waxaa Puntland ka taagnaa khilaaf xoogan uu ku saabsan sida loo qabanayo doorahada iyada oo la isku hayay in la aado doorashao qof iyo cod ah iyo in lagu galo doorashada hannaanakii lagu geli jiray ee beeluhu soo xuli jireen 66-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka.

kadib markii khilaafku gaaray meel sare, waxaa soo fara geliyay Isamada kasoo jeeda Puntland iyo Beesha Caalamka, taas oo keentay in Siciid Deni ka laabtay go’aankiisi ahaa inuu qabto doorasho toos ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here