Monday, September 16, 2024

Yaa isagu soo haray tartanka xilka ugu sarreeya Midowga Afrika?

Addis Ababa (Dawan)- Muddadii loogu tala galay soo gudbinta murashaxiinta xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo ku ekeed 6-dii bishan August, waxaa magacyadooda soo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.

Ururka qaarareedkan oo ka kooban 55 waddan, ayaa shir madaxeedka bisha February qaban doona tartanka lagu dooranayo mas’uulka beddeli doona Muusa Faki oo hadda ah guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Sanadkan, kaltanku waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana xilka laga soo wareejin doona siyaasiga ruug-caddaaga ah ee u dhashay Chad kaas oo xilka hayay tan iyo sannadkii 2017.

Maxamuud Cali Yuusuf- Jabuuti

“Anigu waxaan ahay murashaxa kaliya ee awooda in uu isku hayo gobolada kala duwan ee Afrika, inkasta oo aan ku hadlo luqadda Faransiiska, hadana sidoo kale, waxaana ku hadla luqadaha English-ka iyo Carabiga” ayuu yiri murashaxa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58 jir ah, waxa uu shaqada dowladda bilaabay ka dib markii uu shahaadada jaamacadeed qaatay, isaga oo u safray dalka Faransiiska si uu sii wato waxbarashadiisa luqadaha ajnabiga ah.

Waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo heer wasiiro ah, gaar ahaan wasiiru dowlaha iskaashiga caalamiga ah oo loo magacaabay sannadkii 2001, ka dibna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah May 2005.

Sannadihii 2008, 2011, 2013, 2016 iyo 2019 ayaa dib loogu cusbooneysiiyay jagada Wasiirka arrimaha dibadda, iyada oo loogu lamaaniyay inuu noqdo afhayeenka xukuumadda.

Khibradiisa diblomaasiyadda mar uu ka hadlayay waxa uu yiri; ” In ka badan 30 sano, waxaan ku lug lahaa diblomaasiyadda dalkayga iyo sidoo kale fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Waxaan si aan leexleexad lahayn u caddayn karaa inaan qiimo weyn u noqon karo Midowga Afrika”

Maxamuud Cali Yuusuf

Raila Odinga- Kenya

Ninka ay sida weyn ula loolamaya Maxamuud, waa hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga oo 79 jir ah kaas oo isku dayay shan jeer kuna guul dareystay inuu madaxweyne ka noqdo Kenya.

Isku daygiisi ugu dambeeyay waxa uu ahaa doorashadii 2022-ka oo uu kaga guuleystay William Ruto.

Odinga waxa uu sannadihiisii ​​ugu horreeyay siyaasadda ku qaatay xabsi ama dibad-joog, wuxuuna u dagaallamay dimoqraadiyadda xilligii uu xukunka Kenya hayay madaxweyne Daniel Arap Moi.

“Waxaan xooga saaraya inaan kursiga ku soo celiyoo Kenya oo aan u adeego dadka Afrikaanka ah,” Odinga ayaa bartiisa X ku qoray bishii hore xilli uu ku dhawaaqayay inuu yahay murashaxa rasmiga ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Raila Odinga wuxuu dhashay Maseno sannadkii 1945, waana ganacsade iyo siyaasi Kenyan ah oo soo noqday ra’iisul wasaaraha dalkaas (2008-2013)

Labada murashax ee Jabuuti iyo Kenya ayaa loo arkaa inay yihiin labada sida ugu wayn ugu tartami doona qabashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Raila Odinga

Anil Gayan- Mauritius

Murashaxa 3-aad ee la xaqiijiyay waa Anil Gayan, 76 jir ah, waxa uu soo noqday wasiirka arrimaha dibadda ee jasiiradda dhacda badweynta Hindiya ee Mauritius intii u dhaxeysay 1983 iyo 1986 iyo mar kale 2000 ilaa 2003.

Gayan ayaa sidoo kale soo qabtay xilal kale oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha dalxiiska iyo caafimaadka.

Anil Gayan

Richard James – Madagascar

Murashaxa afaraad ee goor dambe soo baraarugay, waxa uu kasoo jeeda Madagascar, waana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Richard James .

James waxa uu soo ahaa wasiirka arrimaha dibadda bilihii March ilaa October 2022 balse waa la eryay ka dib markii uu ka qaybqaatay codeyan ka dhacday Qaramada Midoobay oo looga soo horjeeday weerarka Ruushka ee dalka Ukraine.

Richard James

Soomaaliya iyo Seychelles oo ka haray tartanka

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Seychelles Vincent Meriton ayaa siyaabo kala duwan uga haray tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya horay ugu dhawaaqday in Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam u tartameyso Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee sanadaha 2025-2028, hadana waxaa mardambe lagu wargeliyay inay u tanaasusho murashaxa Jabuuti.

Soo jeedintii dowladeeda ma qaadanine, Fawsiya waxay go’aansatay inay garab u noqoto murashaxa Kenya, sida ay dhawaan ku qortay baraheeda bulshada.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Seychelles Vincent Meriton ayaa la sheegay inuu isaguna tartanka uga haray sababo caafimaad darteed.

Doorashada waxa loo qabtaa si qarsoodi ah, waxaana ku guulaysanaya murashaxii xaqiijiya inuu helo saddex meelood laba meel codadka dalalka xubnaha ka ah ururka ee codeeya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here