Saturday, July 27, 2024

15 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday caasimadda Czech ee Prague

Prague(Dawan)- Boliiska caasimadda Czech ee Prague, ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof lagu dilay galabnimadii maanta oo Khamiis ah, toogasho ka dhacday Jaamacadda Charles University oo ku taal bartamaha caasimadda, halka soddon kale uu dhaawac soo gaaray .

Boliiska ayaa intaas raaciyay in la dilay ninkii toogashada geystay.

Sida warbixinta Boliiska lagu sheegay ninka toogashada geystay ayaa ka mid ahaa ardayda wax ka barata Kulliiyadda Fanka ee Jaamacadda Charles

Dhanka kale, Warbaahinta dalka Czech ayaa sheegtay in toogashadu ay ka dhacday Kulliyadda dhaxdeeda iyada oo Macallimiinta iyo ardayda lagu amray inay albaabada qolalka xirtaan inta Boliisku soo gaarayo.

TV-ga gaarka loo leeyahay ee Nova TV ayaa soo wariyay in qarax uu dhacay kadibna la arkay nin hubeysan oo saarn saqafka sare ee dhismaha Kulliyadda oo ku yaala bartamaha caasimadda Prague.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Czech, Vit Rakosan ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin rag kale oo hubeysan isaga oo ugu baaqay muwaadiniinta in ay raacaan awaamiirta Boliiska.

Booliska ayaa sidoo kale xiray aagga ay ka dhacday toogashada, waxeyna ka codsadeen dadka ka ag dhowaa in ay ku jiraan guryahooda oo aysan usoo bixin bannaanka inta la hubinaayo amaanka goobta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here