Saturday, July 27, 2024

Khadiijo Maxamed Diiriye: Tiir siyaasadeed oo baxay

Jabuuti (Dawan)- Waxaa dalka Jabuuti si kedis ah ugu geeriyootay Khadiija Maxamed Diiriye oo ahayd Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka iyo Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaaa in k abadan 20 sano ku dhax jirtay siyaasaadda Soomaaliya iyada oo aan marnaba ka dhicin kursiga xildhibaanimada tan iyo sannadkii 2000.

Dhalasho iyo Barbaar

Khadiija Maxamed  Diiriye, waxa ay ku dhalatay Magaalada Muqdisho, 2-dii April 1964 kii maalin Khamiis ah. 1970 kii ayey ku biirtay Dugi Quraan ku yaalla Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Intii u dhaxeysay 1972-1979 waxay dhigatay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Xasan Dhageey oo ku yaallada Magaalada Jowhar.
1979 ayey Magaalada Muqdisho ka billawday Dugsiga tababarka Macallimiinta ee Xalane iyada oo ka qalin jibisay 1981.
Khadiijo waxay ku biirtay Dugsiga Sare ee aqoon dersiga oo ay ka qalin bedelatay 1984, sannadkii xigayna waxay martay qiimeynta Macallinimada.

Sannadkii 1988 ayey ku biirtay Kulliyadda Waxbarasahda ee Lafoole. Khadiijo ma dhameysan duruufo qoys, guur iyo hooyanimo ku soo biiray nolosheeda darteed.
Xilli dambe oo 2014 ah ayey dib ugu laabatay waxbarasahda iyada oo qalinjebisay Jaamacadda Hope ee Magaalda Muqdisho, waxeyna ka qaadatay Shahaadda koowaad ee takhasuska Maamulka iyo Maareynta.

Marka laga soo tago in ay Soomaaliga labadiisa qeybood ee Maayga iyo Maxaatiriga si isku mid ah ugu hadli jirtay, hadana waxaa u diiwaan gashan in ay fahmi kartay luqadaha English-ka, Carabiga iyo Talyaaniga.

Shaqada : Waxbarashada iyo Ganacsiga

Siyaasadda ka hor, waxay ahayd howlwadeen soo shaqeeysay oo khibrad badan soo kasbatay .
1981- 19882 waxay Macallin ka noqotay Dugsigii Hoose ee ay ka baxaday.

1982-1983-kii waxay ahayd xogheynta maamulka xisaabaadka ee Dugsiga Sare ee beeraha Jowhar.

1983-84-kii waxay Maamule ka noqotay xarunta xiriirnta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo hadda la isku yiraahdo Hirshabelle.

1984-1990 ilaa ay Dowladdii Dhexe ka burburtay waxay ka shaqeyneysay Mashruucii fidinta beeraha.

1990- 2000 waxay hayad hooyo guri joogta ah, carruur korisa oo noloshoodana ka soo saarta ganacsiyo yaryar.

Siyaasadda: Xildhibaan aan dhicin iyo Wasiir la jecelyahay

Sannadkii 2000, ayuu doorkeeda siyaasadda ka soo billawday Magaalada Carta ee Dalka Jabuuti, iyada oo soo noqotay xildhibaan Qaran.

2004, Dowladdii lagu soo dhisay Kenya ayey mar kale Baarlamaanka ka soo gashay, waxayna noqotay Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Haweenka iyo Daryeelka Qoyska.

2005 ayey wasiir ku xigeen ka noqotay Wasaaradii Hiddaha iyo Dhaqanka.

2006 waxay u wareegtay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta.

2008 ayey markii ugu horreysay qabatay xilkeedii ugu horreeyay ee Wasiir buuxa, iyada oo majaraha u qabatay Wasaaradda Haweenka.

2009 ayey mar kale ku soo guuleysatay kursiga xildhibaannimo, shirkii Jabuuti ee Madaxweyne Shariif lagu soo doortay, iyada oo isla sannadkaas noqotay Wasiirka Horumarinta reer Miyiga.

2010, waxay u diga rogatay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

Isla sannadkii xigay ayey Wasiiru Dowle ka noqotay Wasaarradii Biyaha iyo Batroolka.

2012, ayey Khadiijo mar kale ku soo baxday xulashada odayaasha ee ah inay noqoto xildhibaan Qaran.

2014, ayey mar kale Wasiir ka noqotay Wasaaradda Haweenka.

2017, ayey wasiir Khadiijo mar kale noqotay Xildhibaan Golaha shacabka ah.

2017- 2020 ayey ahayd Wasiirka Dhallinyarada oo ay markii labaad ku soo laabatay.

2020 waxay hoggaanka u qabatay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

2022, ayey mar kale xildhibaannimadeeda xaqiisay, taas oo u suurtagalisay inay mar kale Wasaaradda Haweenka hoogaamiso.

  • Khadiijo Maxamed Diiriye waa siyaasiga Soomaali ah ee waqtiga ugu badan xildhibaan soo ahaa . 6 jeer oo isku xigto ayey booskaas xaqiijisay muddo 23 sano ah.
  • In ka badan 15 xil wasiirnimo ayey Khadiijo muudadaas soo qabatay.
  • Waxay la soo shaqeysay 6 Madaxweyne iyo 12 Ra’iisul Wasaare.

Khadiijo waxay ay lahayd lix carruur ah 5 ay dhashay iyo wiil ay korineysay, balse ay jecleed in lagu tiriyo carruurteeda.
20-ka December , 2023, ayey ku geeriyootay magaalada Jabuuti oo ah halkii ay siyaasadda uga soo biirtay.

Maxaa laga yiri geerida Wasiir Khadiija?

Madaxda, siyaasiyiinta iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa si wada jira ah uga tacsiyeeyay geerida lama filaanka ah ee Khadiija Maxamed Diiriye.

Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri” Xildhibaan Khadiijo waxay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradu kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray ” Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay ka mid ahayd halgameyaashii waqtiga badan geliyay dib u yagleelidda dowladnimada Soomaaliya. Waxa ay muddo dheer u soo adeegaysay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed, iyada oo door muhiim ah ka soo qaadatay geeddi-socodkii dowlad dhiska Soomaaliya”

Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaanad Khadiija, isaga oo yiri ” Marxuumadda oo shacabka Soomaaliyeed usoo adeegaysay muddo dheer waxay door muhiim ah ka soo qaadatay dowlad-dhiska Dalkeenna, iyada oo xubin ka ahayd inta badan Goleyaashii Dowladda ee kala danbeeyey ilaa Dowladdii lagu soo dhisay Carta”

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isaguna yiri ” Wasiir Khadiijo waxay dalkeeda usoo adeegtay in ka badan 30 sano waxayna ku suntantaneyd Soomaalinimo huwan geesinimo iyo dal jacayl”

Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri “Marxuumaddu waxay ay ahayd wasiirad iyo xildhibaanad ku tilmaaman karti iyo howl qabad, waxayna kaalin muuqata oo mug leh ka soo qaadatay dowlad-dhiska Soomaaliyada casriga ah”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku tilmaamay siyaasiyad aqoon iyo xirfad u lahayd ku negaanshaha siyaasadda ” Khadiijo waxay ahayd siyaasiyad muddo dheer ka tirsanayd Golaha Shacabka iyo xukuumadihii is xigxigay ee dalka soo maray, waxay ahayd shakhsi firfircoon oo isku kalsoon, lehna xirfad iyo tab loogu nagaado siyaasadda. Marna ma aysan dabrin maquuninta siyaasadeed ee haweenka lagu hayo iyo hayb soocidda u gaarka ahayd beesheeda”.

Maanta oo Khamiis ah ayaa aas-qaran loogu sameeyay Magaalada Muqdisho, Alle ha u naxariistee Wasiirkii Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Marxuumad khadiijo Maxamed Diiriye.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here